Thursday, September 12, 2013

Arinka Jaamacaduhu yuu noqon “ANAGANA NOO KALAY AANU PHD” ku sinee"by: C/casiis Cadaani


"Hadduu Baqal-fuul gurguray




 Baroor faras baa hidda ah,




 Hadduu Badhax-miis ku dhalay




 Runtaan la-biyeyn karayn,




 Nin baydhsadayow dan guud




 Waxaa jira baadi-doon,




 Af booli wixii ku maqan




 Col soo bedayaa ogsoon "  Hadraawi




 




Tartanka indho la,aanta ah ee ay ku jiraan jamacadaha dalku waxa u gaadhay  meel bir ma geydo ah , meel sharaf iyo qiimo ugu fadhida  ardayga jamacada dhiganaya iyo ka dibada ka jooga , meel astaan u ah in lagu kale saaro  faraska dheereyey iyo midka orodka gaabshay  , wada garate ayan filayaa halkan u ham iyo dig leyahaye  waa  SHAHAADADA  ama CADAYN aqooneedka la gudonsiyo  ardayga si buuxda uga so baxay shuruudaha loo jideeyey in shahadaasi lagu qaato




Caalamka  waxa ka jirta  nooc shahaado oo la idhaahdo shaahado sharafeed “honorable certificate ama degree honoris causa ” Taasi oo logu talo galay in lagu mamusay xubno  tariikh waxbarasho oo sugan leh




Garo oo waa shahaadoyinka ay malmahan bixiyan qaar ka mid ah jamacadaha dalku  ! Hadaba waxa isweydiin mudan shahaada nocaasi o kale ah yaa bixiya ? gormay bilaabmatay ? sideese lo bixiyaa ?  halkee se ayey  laga xusi karaa tariikhda qofkasi qaatay ?




Jamacada ku taal dalka maraykanka ee HAVARD UNIVERSITY  ayaa  ahayd ibo furaha  shahaado sharafeedka  waxanay marki ugu horaysay tariikhda  gudoonsiisay Puritan clergyman sanadku markuu ahaa  1652  sidoo kale jamacada OXFARD ayaa iyaduna ku dooda in ay  iyadu  ahayd ti u horasay ee bixisa shahaado nocan oo kale ah  sanadkii 1470 kii




iyadoo ay sidasi tahay  ayaa hadana  shahaadani anay ahayn mid u dhiganta  shahaada la gudoonsiyo ardayga si toos ah u soo dhamaystay waxbarashadisa  , sharciyana  laguma xusi karo  taarikhda qofka (persons CV ) laguma so dari karo tirade shahaado aqoonedka u qofku haysto




MADAAMA  ay jamacadaha dalkenu hada bilaabeen waxa lama huraan ah in bulshada lo iftimiyo dhacdooyinka jamacadaha calaamka ka soo maray shahadooyin ay bixiyeen  iyo samaynta ay ku yeelatay sumcada jamacadaahsi




Ka hore se  aan dhowr layn ku soo koobno  cida loo cayimay in jamacadi shahaado sharafed gudonsiiso




Shahaadan waxa qadan kara qof kasta oo bulshada ka tirsan  ha noqdo , jilaa,ganacsade,ciyartooy,siyaasi ama aqoonyahan  isla markana leh taarikh aqooned sugan , qofkasi wa in anuu ku jirin  kiis maxkamadeed , in anu ka qayb qadan dagaalo sokeeye , cunsuriyadeed iyo dhac hanti umadeed




Intaasi haday tahay qaar ka mid ah shuruudaha asaasiga ah ee lagu xidho qofka la gudonsinyo shahaado sharafeedka  aan  inyar ka so qadano  dhacdoyinka caalamiga ah ee muranku ka dhashay




April 2009 jamacada la idhaa Arizona university ayaa diiday in ay  shahaado sharafeed gudonsiiso madaxwaynaha maraykanka  barrack obama  iyadoo ku sababayay in anu sugnayn soyalkisa waxbarsho ee hore




2001 jamacada la idhaa yale university ayaa shahaado sharafeed gudoonsisay madaxwaynihi hore ee maraykana George w bush halkaasi oo u hore uga qalinjabiyey  , waxa se arintaasi keentay in kuliyado  iyo arday badani ay ku mudaran jamacda isla markana ay mamnucaan ka qayb galka xafldii 300 ee jamacadasi




Jamacada la idhaa Edinburgh university ayaa iyaduna gudoonsisay  Robert Mugabe madaxwaynihii Zimbabwe  , waxa se marki dambe la mamuncay shahadasi marki lagu so edeeyey in u geystay xasuuq ba,an isla markana u ka qayb galay dagaladi sokeye ee dalkasi  iyo waliba in dalka u galiey xalad dhaqaale xumo ti abdi u darnayd




 




"Nin dhug lihiba wuu garanaya suul dhabaalaha e




dhabbadaad u xaadheen ninkii soo dhus layn jiraye




dhextaalkeeda goortuu hubsaday soo dhababaceeye




dhalliilaha markuu sahansaduu meel ka soo dhacaye"





Hadaba hadii xaal sidaa yahay inagoo maanka ku hayna hirdanka siyasadeed ee dalka ka jira , iyo baratanka ku dhaxeeya jamacadaha dalka ee mid walba ku donayso in ay kasbato siyasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee caanka ah , bulshada somaliduna caan ku tahay in ay kolba wax  iskaga daydaan 




Jaamacadaha is eryanan waxa la gudoboon in aanay eegan  title ka uu leyahay masulka ay shahadada siinayaan  balse  ay eegan tariikhdisa waxbarsho , midisa dhaqan  iyo diineedba  sabatoo ah  waxa surto gal ah in ay shahaado gudonsiyaan  SIYAASI iminka caan ah  laakin 5 sano ka hore  Qof kale ahaa , 




"Dawgaad banaysaa ka kale deylo soo marine




Degelkaad furtaa baa ka kale deyr u soo jariye




Dabka aad shiddaa baa kale saari dogob weyne




Wadaantaad dar keentaa ka kale laaska soo dariye”




Arinkani waa in uu noqdaa mid ka wayn  qancinta iyo xod xodasha cid xaflada idinkale so qayb galaysa , wa in aydaan jidayn in siyaasiga loo geeyo  warqada casumaada iyo shahaada oo wada socda oo an la odhan mudane  ANAGANA NOO KALAY  AAN PHD ku sinee !!!




 




wq Cabdicasiis cali cadaani




Email : golden_aziz@live.com