Hargeysa(GNA)-Waxa Magaalada Hargeysa maalintii shanaad ku xaniban in ka badan154 Qof oo ahaa Rakaabkii ku qornaa Diyaarada Ethiopian Airline ee hakisay Duulimaadyadii Madaarada Somaliland.
Dhoofayaashan oo mudo shan maalmood hor dhoobnaa Xafiiska Wakiilka Shirkadda Ethiopian Airline Hargeysa oo la yidhaahdo Safe away Travel Agency, ayaa saaka lagu daabulay Basas la doonayay inay gaadhsiiyan Magaalada Jig-jiga si ay halkaasi uga dhoofaan,iyadoo dhamaan macluumaadkii ay ku geli lahaayeena Safaarada Itoobiya ee Hargeysa soo siisay.
Hase ahaatee waxa mar kale xanibay Baabuurta lagu qaadi lahaa oo aan ka cashuurnayn Itoobiya, taasoo ku noqotay caqabad kale oo la soo deristay, isla markaana sababtay inay ilaa Duhurkii Maanta basaskii saaka la saaray ku dul bayhoofaan.
Arintan ayaa sababtay in dadweynaha oo qaddo iyo Salaad seegay barxad weyn oo ka soo horjeeda Wasaaradda arrimaha Guduhu goor dhaweyd sameeyaan Gadood, ka dib markii inta ay baabuurtii ka soo degeen Wadada Gobolka dhagaxaan ku xidheen, iyagoo ku cabanaya inay dawlada Somaliland iyo itoobiya Airline isku duur-tuurayaan.
“waxaanu taaganahay halkaa todoba maalmood, waxaanu u xanibanahay Itoobiyaan Airline, saaka ayaa basaska nalugu soo guray, markii aanu isnidhi baxa hadana waxa la yidhi Gaadhi an cashuur lahayn ma gelayo Itoobiya, markaa ma garanayno meesha nalaga haysto, arintanina waa mid dhaawacaysa qaranimada iyo dawladnimada Somaliland”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Rakaabka Xayiran.
Ciidamada Bilayska ee loo yaqaan RRU-da ayaa markii ay gadoodka sameeyeen soo gaadhay goobta, kuwaasoo xoog kaga dareeriyay halkaasi, isla markaana inta ay basaskii ay saarnaayeen ku celiyeen dhinaca suuqa u kaxeeyay, inkasta oo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadu u yimaadeen, kuwaasoo ku war geliyay in Marwada Madaxweyanaha loo geynayo.
Ujeedada saraakiisha dawlada ee soo faro geliyay cabashada dadkan ayaa u muuqatay mid lagu sasabayay inay isdejiyaan, isla markaana nabad-gelyo ku sugaan inta xal loo helayo, hase ahaatee xubno la hadlay ayaa ku gacan saydhay dalabkooda.
Ilaa hada ma jiro wax xal ah oo lo ohayo cabaqadda kale ee Dhoofayaashan saaka ka hor timi, balse qaar ka mid ah ayaa noo sheegay inay dib ugu noqonayaan Xafiiska Safaarada Itoobiya.
Dadweynaha ayaa isugu jira dad u socdaalaya wadamada Yurub iyo kuwo ku socda waddanka suudaan, waxaana ka mid ah 54 Arday oo waxbarasho Jaamacadeed ugu baxaya dalka sudan, kuwaasoo shan iyo tobanka bishan waxbarashadu u bilaami lahayd, balse sida ay sheegeen ka daahay buuxinta waxyaabihii looga baahnaa inay dhamaystaan ka hor intaanay Jaamacadda gelin.
Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland oo xalay qiratay inay Masuuliyadi ka saarantahay Duulimaayada waddanka iyo inay fududeyso arimaha socdaalka Hawada ayaa canaan kula dul dhacday Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline oo duulimaadyadeeda u hakisay sababo la xidhiidha amaanka Madaarada iyo shaki ka galay tayada Dhabaha Diyaaradaha ee Hargeysa oo dhawaan Dayactir shaki badani hadheeyay lagu sameeyay.
Canaanta Wasaaradda duulistu u soo jeedisay Itoobiyaan Airline iyo Gadoodka ka dhashay xanibaada dadweynaha ayaa ku soo beegmaya xili ay Magaalada Addis-ababa ee waddanka Itoobiya ku suganyihiin Wasiirrada arrimaha Gudaha iyo duulista iyo Hawada oo halkaasi u jooga arimo la xidhiidha hakadka Duulimaadyada Diyaarada Itoobiyaan Airline.
Si kastaba ha ahaatee xanibaada Musaafiriintan haysta ayaa ku sii siqaysa inay abuurto khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhex qarxa Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya,hadii ay arintu halkan ka sii kululaato, xal deg deg ah oo dadkaasi lagu dhoofinayana aanay laba dhinac wada gaadhin.
Sidoo kale dadkan oo badankoodu ka yimi wadamada Yurub, isla markaana qaarkood dib uga dhaceen xiligii ay dalalkii ay ka yimaadeen dib u bilaabi lahaayeen, ayaa iyada lafteedu ah arin saameynteeda leh.
Waxa kale oo fadeexad loo arkaa talaabo ciidanka Bilaysku qoryaha ugu cabeysteen markii ay Baabuurta ku celinayeen oo dadka badankooda ka cadheysiisay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com