Thursday, September 12, 2013

SL: Maamulka Hay’adda Korantada iyo Hanti-dhawrka oo iska kaashanaya Baadhitaan ka dhan ah Falal lacagta Laydhka lagu lunsan jiray


 Hargeysa(GNA)-Maamulka Hay’adaha Korantada Dawlada Somaliland ayaa ka waramay  baadhitaano iyo dib u habayn farsamo oo ay ku sameeyeen Nidaamka Wershada iyo adeegyada ay bixiso, kaasoo lagu sugayo tirada macaamiisha uu gaadho adeegu iyo qaabka ay Biilasha u soo xareeyaan.




Baadhitaankan ayaa wajigiisii koowaad dibada soo dhigay qaabab lagu lunsan jiray lacago badan iyo adeeg laydh oo nidaam khaldan loogu xidhay guryo tiro badan, taasoo sababtay in daba-galka falalkaasi  Maamulka Hay’adu u dalbado inay kala qayb-qaataan Hanti-dhawrka Guud iyo Bilaysku, si cid kasta oo lug ku yeelata arintaasi sharciga loola tiigsado.




Noocyada Hanti Lunsiga ah ee Maamulka  iyo waaxda baadhista ee Hay’addu  ogaadeen waxa ka mid ah   Guryo Laydhku u bixi jiray  mudo u dhaxaysa sanad ilaa afar sanadood oo Xafiiska Hay’ada ka qoran in la jaray wakhti hore, kuwo laga bedelay magacyadii ku qornaa  oo dayn lagu lahaa,ka dibna inta line-kii magacu ugu qornaa ee daynta lagu lahaa  laga jaray mid kale oo bilaa magac ah oo aan ka diwaan-gashanayn xarunta hay’ada loo sameeyay, guryo laydhku lacag la’aan ugu baxo oo cid kale lacagta ka qaadato, Saacaddo  Lacagta lagu leeyahay lacag aan ahayn oo aad uga yar laga soo qaat iyo Guryo Saacadda ku xidhani taagantahay oo lacag aan qiyaasteedu sugnayn lagu dalaco.




Sidaasina waxa Wargeyska Dawan u sheegay  Maareeyaha  Guud ee Hay’ada Korantada dawlada Axmed-yaasiin Aw-maxamed Jaamac oo shalay xafiiskiisa ugu waramay.




“Wershada Korantada dawlada bixisa ee Hargeysa sidaad ka war-qabtaan waa hay’ada bixisa laydhka ugu badan ee Magaalada Hargeysa u baxa, hadaba mudadii aan xilka wershada hayay oo koobanayd, waxaan sameeyay dib u habayn maamul oo dhamaystiran, dhawaana waxaanu bilownay baadhitaan iyo daba-gal guud si aanu u ogaano tirada Guryaha isticmaala Laydhka dawlada, iyadoo aanu raacayno Xadhka laydhka sida ee ka baxa Xarunta.




“nidaamka laydh qaybinta ee aanu raacaynaa wuxuu u qaybsanyahay 29 waaxood oo magaalada ah, kuwaasoo dhamaantood aanu rabno inaanu dib u hubino siday ku heleen adeega iyo sida ay biilka ku bixiyaan, 29waaxood waxaanu baadhitaankii ku bilownay Xaafadaha wershada ku dhadhow, dabadeed baadhitaankaasi waxaanu ku ogaanay inuu jiro Musuqmaasuq aanay hore Hanti-dhawrka iyo baadhitaanadii hore la kulmi”ayuu yidhi.




Axmed-yaasiin Maxamed Jaamac, ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay hanaanka musuqmaasuqaasi u dhaco iyo xadiga laydh ee kaga luma Wershada “Musuqmaasuqaasi waxa uu ka dhexeeyaa qaar ka mid ah Inamadda soo qora Saacadaha laydhka iyo qaarka ka mida Macaamiisha, taasoo bil metel hadii saacadu qortay 80 Unit, wuxuu soo qorayaa 40 Unit, baadhitaankaa waxaanu ku helnay guryo lagu leeyahay lacag gaadhaysa afar kun oo Dollar ($4000) oo aan 24-kii bilood ee u dambeeyay wax lacag ah aan laga soo qaadin ama saacadahooda lagaga imanayay lacag badan.




Waxa kale oo aanu ogaanay dadka qaar lacagta laydhka u dhiiba qof shaqaale ah oo aanay jiwanba waydiin, markaa baadhitaankaa waxaa nooga soo baxay ceebo badan oo ay ka mid yihiin Guryo ka badan 70 Guri oo aan u diwaan-gashanayn Wershada oo isticmaala laydhka dawlada, waxaanay qaarkood ku doodayaan xaafadahaa ama aanu ogaanay in qaar ka mid ah shaqaalaha iyo dadweynuhu u ka dhexaysay tuugo hantidaa lagu lunsan jiray, Kuwii dhibaatada sameynayay  ee shaqaalaha ahaa waanu qabanay, waanay xidhanyihiin”.




Maareeyaha Hay’adaha Korantadu waxa uu sheegay in si arimahan looga gun-gaadho ay Hay’ad ahaan dalbadeen in Hanti-dhawrka Guud iyo Ciidanka Bilaysku ka qayb-qaataan baadhitaanka socda oo uu sheegay inay ku bartilmaameedsanayaan guri kasta oo Laydhka dawladu u baxo.




Isagoo arintaasi ka waramayana waxa uu yidhi “Hadaba  markii aanu ogaanay musuqa jiraa inta uu leeg-yahay waxaanu wargelinay Hanti-dhawrka guud ee qaranka iyo Bilayska si ay noola ogaadaan mushkiladan jirta ee hanta-lunsiga ah, annagana ka dalbanay inay hawsha baadhis ku sameeyaan oo talaabo sharciya  laga qaado cidii dambigaasi ku cadaado, dadkii aanu ku qabanayna iyagaa la wareegay  oo gacanta ku haya, walina arintooda lama gudbin, waayo waxa socota baadhistii , xaafaddanina waa xaafadii koowaad ee aanu baadhista ka fulino, dhamaana xaafadaha kale waanu baadhaynaa”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “Baadhistan intaanan samayn waxaan sameeyay xafiis ka shaqeeya Jeekinka ama Hanti-dhawr gudaha hay’ada ah, kuwaasaa baadhitaankan sameeyay oo waxa iminka soo baxay soo ogaaday, waxaanan ogaanay in Hanti badani ku maqantahay dadweynaha, markaa qorshahayagu wuxuu yahay inaanu musuqaasi meesha ka saarno, wixii caqabad naga hor-yimaadana diyaarbaanu u nahay inaanu xalino”




Geesta kale, Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Korantada dawlada Cabdilaahi Yuusuf Cilmi, oo isna la hadlay Wargeyska Dawan, ayaa bulshada u soo jeediyay inay sifo sharci ah ku bixiyaan lacagta laydhka ay isticmaalaan, waxaanu ka codsaday inaanay bixin lacag aan qaan-sheeg loo jarin.




“Bulshada waxaan ugu baaqaynaa inay Lacagta laydhka ku bixiyaan Xafiisyada hay’ada oo aanay qof isaga dhiibin, waana inaanay bixin lacag  qaan-sheeg (Voucher),  aan loo jarin ama aanay qaadan, mid kale dadweynaha waxaanu u soo jeedinaynaa oo aanu ka codsanaynaa inaanay ka qayb-qaadan tuugada Laydhka lagu hayo oo ay xalaashadaan Adeega aanu siino, cidii lagu qabto iyadoo isticmaalaysa laydh aan sharci loogu gelin oo aanay lacagtiisa ku bixin, talaabo sharci ah ayaanu ka qaadayn”ayuu yidhi Maareeye ku xigeenku.




Waxaanu intaasi raaciyay “soo xareynta Biilasha Laydhku markii aanu shaqada la wareegnay waxay taagnayd 39%, waxaanan muddadii koobnayd gaadhsiinay 75%, waxa kale oo aanu ka shaqaysiinay afar Injiin (ENGINE) oo qaarkood fadhiyeen, kuwaasoo qaarkood hagaajintoodu wakhti dheer iyo hawl badan nagu qaadatay”.




Maamulka Hay’adaha Korantada dawlada ayaa shaqada la wareegay muddo dhawr bilood laga joogo, waxaana ku wareejiyay guddi xaqiiqo raadin madaxweynuhu ugu saaray  xalinta cabashooyinka iyo habacsanaan Maamul oo mudd soo jiitamayay, waxaana alaabadan iminka  Maamulka cusubi qaaday u muuqda mid meesha ka saaraya marka Haanta gunteeda la gaadho caqabadihii dibada ka dabrayay  adeega laydka , maadama oo wakhti dheer maamulkeeda  gudaha la saxayay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com