Boorama-(GNA) Waxaa maanta soo gaadhay xarunta gobolka Awdal ee Boorama Raxan wasiiro ah oo uu hogaaminayay wasiirka xanaanada iyo xoolaha Somaliland Dr: Cabdi Aw-daahir kaas oo ay safarkiisa ku wehilinayeen Wasiirada,Shaqada ,arimaha Bulshada,dibu dajinta,wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta iyo qaranka ,iyo wasiir ku xigeenka cadaalada Soamaliland.
Wasiiradan ayaa markii ay yimaadeen Magaalada Boorama waxa ay shir jaraa’id ku qabteen Hotel Rays waxaana halkaas u jeedka safarkooda ka hadlay gudoomiyaha wasiiradan Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr: Cabdi Aw- Daahir waxaana hadaladiisii Ka Mid Ahaa.
“Waxaan Nahay wafti ka kooban xubnaha golaha wasiirada waxaana madaxwayne siilaanyo noo soo diray arintii shaqaaqadii ka dhacday degaanka Xariirad oo ay hada joogaan xubno ka mid ah golaha guurtida Somaliland oo hawsha sii wada anaguna wixii taakulo ah iyo xoojin nalooga baahdo ayaan ku daraynaa Sidii Arinkaas loo dhamaystiri lahaa oo mudo soo jiitamayay Allena waxaan ka baryaynaa in uu nala qaban doono taas ayaa ah ujeedka socdaalkayaga .”
Wasiirka oo wax laga waydiiyay mudada ay ku qaadanayso soo afjarida xiisadan ayaa waxa uu yidhi “Wax walba waxa ay ku xidhnaan doonaan sida ay labada dhinac ee ay khusayso ee beelaha ah ay u soo dhamaystiraan una ogolaadaan in nabada la soo xidho, inshalaah sida uu eebe idmo ayay ku dhamaan doontaa, waxana naga sii horeeya xubno guurtida ah oo hawsha sii wada waxana aan qabnaa rajo wayn”
Wasiir Dr. Cabdi Aw-daahir ayaa waxa uu ka mid ahaa wasiiro dhawr goor oo hore ku soo laalaabtay Xariirad isla markaana aan xal keenin, sidaasi aawadeed ayaa waxa uu xusay waxa uu manta rajaynayo waxana uu yidhi “Arintu kolba waji ayay maraysay oo heer ayay taagnayd balse manta waxa aan ku rajo waynahay in la soo gabagabeeyo”
“Waxa aan ugu baaqayaa labada beelood ee walaalaha ah ee isku abtiga ah ee isku seediga ah in hawshaa la dhamaystiro oo uu garaadku shaqeeyo oo aanu dil dambe ka dhicin oo gobosha la soo wada fadhiisto oo la wada hadlo oo waxa dhacay wada jir lagu gorfeeyo oo laga waantoobo in nabada qodxo lagu taago oo laga wada shaqeeyo hormarka iyo wax wada qabsiga guud” ayuu hadalka ku soo koobay wasiirku
Si kastaba ha ahaatee waftigan ayaa isla maantaba u anbababaxay degmada Xariirad ee Gobolka Selel kaas oo la filayo in ay qayb ka ahaadaan ergay badan oo halkaas ku sugan kana mid yihiin xildhibaano ka tirsan golaha guurtida oo ku hawlan sidii xal ugu danbayn ah loogu heli lahaa shaqaaqadii dhex martay labadan beelood ee labadan beelood ee walaalaha ahaa dilkuna ka dhex dhacay.
WARIYE Mustafe caraale
Caraale_143@hotmail.com
Borama office