Hargeysa(GNA)-Dooda Xeerka Waddooyinka Somaliland ayaa madaxa la gashay Marxalad Xaasaasi , taasoo sababtay maanta in mudane oo ka tirsan Golaha wakiiladdu gacanta isula tagaan.
Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maalintii saddexaad Ku Guddo jira Dooda Xeerka Horumarinta Wadooyinka oo uu dhawaan Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland hor keenay.
Mudaneyaasha Golahaasi ayaa si aad ah ugu kala aragti duwan xeerkan, waxaanay u qaybsameen laba garab.
Garab si aad ah uga soo horjeeda iyo kuwo u sacabo tumaya, waxaana saaka ka dhacay Golaha Wakiiladda Gacan Ka hadal.
Gacan ka hadalkan oo dhex maray Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo si aad ah uga soo horjeeda Xeerka Horumarinta Wadooyinka oo cashuuro xad dhaaf ah lagu saarayo gaadiidka kala duwan iyo xoolaha nool ee dibada loo dhoofiyo iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo ah guddoomiyaha gudi hoosaadka Arrimaha bulshada oo xeerkan dib u eegis iyo kaabis ku soo sameeyay.
Xildhibaan Buubaa ayaa intii uu ku gudo jiray Dooda Xeerkaasi dhawr jeer magac dhabay Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo uu sheegay in uu xeerkaasi wato.
dhinaca kale Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe ayaa isna xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Ka dhex galayay dooda isaga oo weedho ku tuur-tuurayay.
markii uu soo dhamaystay doodiisa ayaa waxa meel kursigii uu fadhiyay ka soo ruqaansaday xildhibaan Kijaandhe, waxaanu u soo jihaystay dhinacii uu ka xigay xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, halkaas oo ay qardoofadoodu ka bilaabantay.
Ma jiro khasaare labadda xildhibaan soo kala gaadhay, balse mudaneyaashii fadhigaasi ka soo xaadiray ayaa ku kala guntaday labadda mudane.
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo fadhigaasi shir guddoominayay ayaa amar ku bixiyay in dibadda looga saaro fadhiga labadda mudane ee uu gacan ka hadalku dhex maray, waana dhacdadii ugu horeysay ee dhex marta mudaneyaasha Golaha Wakiiladda intii ay xukuumada Madaweyne siilaanyo Taladda haysay
Bulshada ayaa si weyn ugu dhegtaagaysa go’aanka Mudaneyaashu ka qaataa Xeerkan,waxaana saddexdii maalmood ee doodu socotay si weyn loo dareemayay in badi mudaneyaasha aqalka wakiiladdu ka soo horjeedaan Xeerkaasi.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com