Wednesday, September 18, 2013

Man United Oo Warqad Ay Ku Difaaceyso Moyes U Dirtay Taageerayaasheeda.


Manchester United Unveil new Signing




 




Manchester United ayaa warqad u qortay taageerayaasheeda oo ay ku




difaaceyso dhaqdhaqaaqooda suuqa kala iibsiga ee xagaagii, sida ay ku




warmeyso Daily Mirror.




 




Jamaahiirta ayaa eedeeyay David Moyes iyo madaxda kooxda oo uu ka mid




yahay Ed Woodward madaama ay ku guuldareysteen inay soo xerogeliyaan




ciyaartoydii diirada u saarnaa xagaagii, iyagoo kaliya soo xerogeliyay




Marouane Fellaini oo ay kala soo wareegeen Everton.




 




Red Devils ayaana haatan u jawaabtay taageerayaashii cabashada u soo




gudbiyay, sida uu afhayeenkooda u sheegay wargeyska Daily Mirror isagoo




yiri:




 




“Jawaabta waxaa loo diray taageerayaashii warqadaha u soo qoray Ed




Woodward iyo dadkii kale ee kooxda sida tooska ah Email ugu soo diray.




Mas’uuliyad ayaa inaga saaran inaan u jawaabno taageerayaasheena,




madaama axdiga kooxda uu ku qoran yahay in jawaab la bixiyo 15 maalmood




gudaheed oo maalmaha shaqada ah.”




 




United ayaana warqada ku sheegtay in David Moyes uu qorshe mustaqbalka




dheer ah uu hayo, islamarkaana uu taageero buuxda ka helayo madaxda kooxda.




 




Waxa ay sidoo kale warqada ku difaaceen Moyes iyo madaxa kooxda Ed Woodward.




 




Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay inay suuqa kala iibsiga ka heshay




xagaagii labadii arimood ee ugu muhimsanaa oo ay aheyd inay ceshteen




Wayne Rooney iyo in ciyaaryahan khadka dhexe lagu soo daray kooxda.