Tuesday, September 17, 2013

SL: Dhismaha Laamiga Ceerigaabo oo Askari kasta $1 looga Jarayo Mushaharkiisa iyo Wasiirrada Xukuumadda oo aan wali Shilin ku yaboohin


 Burco(GNA)-Labada Taliye ee Ciidamadda Milateriga iyo Bilayska Somaliland, Sareeye Gaas, Ismaaciil Shaqale iyo Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa gelinkii dambe ee Maanta ku dhawaaqay in Mushaharka  Ciidamada qalabka sida ee Bilayska iyo Milateriga Askari kasta $1 (Hal dollar) oo uu kaga qayb-qaadanayo dhismaha Waddada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo Maanta la dhagax dhigay laga jari doono saddexda bilood ee soo socda.




Jidkan oo dhererkiisu dhanyahay 375KM oo Raf ah, ayaa la doonayaa in laga dhigo Laami,isku xidha labada Magaalo ee Burco iyo Ceerigaabo oo bulshadu isu socodkooda dhibaato kala kulmi jirtay, waxaana dhaga dhigay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo oo safar ku maraya Goboladda Bariga dhexe ee dalka.




“ waxaanu annigoo ka wakiil ah dhamaan Ciidanka Qaranka Somaliland waxaan balanqaadaynaa inaan saddexda bilood ee ugu horeeya ee soo socda in Askari walba $1 (Hal dollar) oo Mushaharkiisa ah ugu deeqayo dhismaha waddadan Ceerigaabo iyo Burco isku xidhaysa”sidaasi waxa yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale.




Geesta kale Taliyaha Ciidanka Bilayska ayaa sheegay “Ciidanka Bilayska Somaliland isagoo mar walba heegan u ah sugida amaanka dalkiisa iyo inuu ka qayb-qaato horumarinta waddanka, waxaanu ugu deeqaynaa waddadan oo aan halkan ka balanqaadaynaa inaanu saddexda bilood ee soo socda Mushaharka Ciidanka askari walba hal dollar ugu deeqayo waddada, waxaanan bulshada reer somaliland u soo jeedinayaa inay kaalintooda ka qaataan dhismaha jidkaasi”ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal Iiman .




Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Sam-sam Cabdi Aadan, ayaa Warbaahinta ka sheegtay inay Sanaaduuq loogu qaadhaamayo dhismaha jidkan dhigayaan dhamaan goobaha waxbarashada si ay Ardayda iyo Macalimiintu ugu ridaan wixii taakulo ah ee ay ku darsanayaan.




“anigoo ka wakiil ah dhamaan bahda wax-barashada Somaliland  diyaar baanu u nahay  inaanu ka qayb-qaadano wadadan, waxaanu dugsiyada waxbarashada dhigaynaa sanduuq arday kasta iyo macalin kastaaba wuxuu kaga qayb-qaadanayo uu ku ridayo, waxa kale oo aanu samaynay Acounts qaadhaanka lagu ridayo”ayay tidh.




Hir-gelinta Mashruucan Askartu lacagta ugu yaboohday, waxa hir-gelinaya Hay’ada waddooyinka Somaliland, taasoo dadka qaar  sheegayaan in ujeedada ay u bilowday ay tahay si dhakhso loogu ansixiyo Xeerka Waddooyinka dalka oo ay dhawaan Wasaaradda Madaxtooyada oo Hay’adaasi la hoos-geeyay u soo gudbiay Golaha wakiillada, iyadoo ku soo lifaaqday Cashuuro lagu kordhiyay Gaadiidka, sida ay Gobanimonews u sheegeen xubno ka mid ah dad aan la dhacsanayn siyaasadda xukuumaddu.




Hase-ahaatee inkasta oo dhinacyadani balanqaadeen inay ka qayb-qaadanayaan dhismaha jidkan, hadana wali Masuuliyiinta xukuumaddu siday u dhanyihiin ilaa heer madaxweyne wax qaadhaan ah oo ay mashruucan kaga qayb-qaadanayaan may shaacin, waxaana xusid mudan in wasiiro badan oo ka hadlay xaflada lagu dhagax-dhigay iyo Madaxweynuhu toona aanay soo qaadin qadarka lacagta ku baxaysa, cida ka taageeraysa dawlada iyo in madaxda  xukuumaddu  mushaharkooda wax uga jarayaan toona, maadaama askartii Boqolka Dollar qaadanaysay taliyayaashoodu carab-baabeen inay saddex bilood mushaharka ciidanka min hal dollar uga jarayaan.




Kuwaasoo aan wax ogaysiis ah la siin markii go’aankan ay madaxdoodu qaateen, balse hada ku qasban inay ogolaadaan Kaalmada looga jaro Masharuucan “waa Caadi awalba wax ka badan ayaa nalaga jari jiraye, laakiinse hore naluuguma sheegin” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay sarkaal ka tirsan Ciidanka Bilayska oo ka dareen celiyay warka ka soo baxay saraakiisha ugu saraysa Ciidamada.




 Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa looga fadhiyaa inay Wasiirrada iyo Masuuliyiinta kale ee madaxweynuhu magacaabaan dhakhso badka u soo dhigaan waxay ku darsanayaan mashruucaasi ee ka baxsan dakhliga guud ee dawladu ugu talo gashay, waana in wasiirrada, agaasimeyaasha iyo Maareeyeyaasha mushaharkooda lacag looga jaro muddo ka badan xiliga askarta laga goynayo.




Waana in masuul waliba ilaa madaxweynaha uu mujtamaca u cadeeyaan qadarka lacageed ee uu bixiyay, si xataa bulshada kale ee caadiga ah loogu dhiiri geliyo inay hawshan baaxadda leh doorkeeda uga ciyaarto.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com