Tuesday, September 17, 2013

M/weyne Siilaanyo oo Carrab iyo Labadiisa daan ku canaantay Madasha wada-tashiga iyo Wax-garadka T/dheer oo Tabashooyin badan hor-dhigay


Burco(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hogaaminayo oo habeenkii labaad ku sugan magaalada Burco, ayaa caawa kulan kula  la yeeshay Hudheelka uu degenyahay ee Plaza Wax-garadka, madaxdhaqameedka iyo qaybo kale oo ka socda Bulshada Gobolka Togdheer.



Kulankaasoo ujeedadiisu ahayd is-xogwaraysi madaxweynaha iyo weftigiisu la yeesheen Bulshada gobolka, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada Gobolka iyo doorka xukuumadda kaga aadan baahiyaha yaala.



Madaxweynaha  iyo xubno ka mid ah wasiirradda kulankaasi ka hadlay, ayaa dadka ka qayb-galay u bandhigay qorsheyaasha xukuumadd ee Gobolka iyo waajibaadka bulshada saaran, waxaana nuxurka hadaladoodu ahaayeen inay dawladu wixii wax ka qabasho u baahan diyaar u tahay, isla markaana hore uga fulisay mashaariic badan oo horumarineed, sida waddooyin la dhisay, lacagtii laga bedelay iyo waxyaabo kale oo laga qabtay adeegyada aasaasiga ah ee Bulshad.



Xubno ka mid ah Madaxdhaqameedka Gobolka Togdheer oo iyaguna shirkaasi ka hadlay, ayaa madaxweynaha u bandhigay duruufaha Gobolka yaala, gaar ahaan dhinacyada amaanka, waddooyinka iyo goobaha Caafimaadka oo ay si gaar ah uga cowdeen xubno ka soo jeeda Koonfurta Gobolka Togdheer, ee hoos-yimaadda Degmada Buuhoodle, kuwaasoo ku dooday inaan waxba laga qaban mudadii xukuumaddu jirtay adeegyada aasaasiga ah ee deegaamadooda.



Xubnahan, ayaa si gaar ah u taabtay laba qodob oo kala ah Colaaddii ka dhacday Jiidda buuhoodle oo aan wali xal waara laga gaadhin, isla markaana wax maslaxad aan la kala dhex dhigin beelihii laba sanadood ka hor halkaasi ku dagaalamay iyo Waddada isku xidha Degmooyinka Bali-dhiig ilaa Burco, iyo ta Buuhoodle iyo Burco isku xidha oo dhibaato ka haysato Bulshada, iyagoo ku dooday in Xoolaha nool ee Gobolka loo soo iib-geeyaa halkaasi ka yimaadaan.



Waxyaabaha kale ee shirkaasi lagu soo qaaday waxa ka mid ahaa khilaafkii dhex maray shacbiga gobolka iyo shirkadda sahaminta shidaalka ee Genel Energy, taasoo ay soo qaadeen dadkii madasha ka hadlay qaarkood, iyadoo Odayaal dhaqameedyo arintaasi ka hadlay ay sheegeen in Shirkadaasi dhibaato deegaanka u geysatay, hadana sabab la’aan u baxday, iyadoo ceebaysay amaanka Gobolka.



Doodda dhinacyada Reer Burco ka dib madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulanka ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay tallooyinka iyo aragtiyaha dadkii shirkaasi ka hadlay, waxaanu intaasi ku daray eedeymo iyo canaan uu mar kale oodda kaga qaaday dhaqdhaqaaqyada Mucaaridka ah ee gudaha dalka kaga socda, gaar ahaan Madashada wada-tashiga iyo toosin Qaranka oo uu sharci daro aan la aqbali Karin ku tilmaamay. “Hadaladdii iyo tallooyinkii aad ku hadasheen waanu qaadanaynay, waanu qoranaynay,Mashaariicda aynu maanta gobolka ka dhagax dhignay iyo kuwa innoo soo socda ee dalka dhinac walba gaadhsiisan waa waxyaabaha loo baahan yahay in dalka iyo ummadda loo qabto, waa laga yaabaa awooda dhaqaale aynaan mar qudha aynaan wada heli Karin, hase yeeshee kolba iyo meel walba in baynu ka bilaabi karnaa. Qaarba wax baynu ka dhaqaajin karnaa imikaba qaar baynu dhaqaajinay, qaar waynu fulinay oo way nu dhammaynay, qaar meel wanaagsan ayay marayaan iyo qaar aynu niyadda ku haynaa intuba way jirtaa.laakiin waxa muhiimka ahi mar walba waa midnimadeenna iyo wada jirkeena.”



“Dabcan dal dimuqraadi ah ayaynu nahay, axsaab baynu leenahay, axsaabta waxa loogu tallo galay inay dhaliilaha jira sheegaan, waa la tartamayaa, siyaasad ayaa lagu tartamayaa, inta badanise been bay sheegayaan,laakiin ummaddu runta way wada ogtahayoo. Inta axsaabta ku jirtaa wax ma wada ogee, shacbigu laakiin wax buu wada ogyahay oo wixii xaqaa’iq ah wuu ogyahay, wixii qabsoomayna way ogyihiin. Wixii aan qabsoomin ee baaqdayna wuu arkayaa,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo



Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in cidii sharci darro ku socota aanay xukuumad ahaan ka yeeli doonin, waxaanu yidhi “In la isku tilmaamo oo si fiican la iskugu tilmaamaana way fiican tahay.annagu dadka mucaaridka nagu ah waxba u sheegan mayno, kuwa sharci darrada ku shaqaynaya ee Goleyaasha aan sharciga ahayn ee dalka xumaanta la doonaya.kuwaas waanu u sheegaynaa oo wixii sharci darro ah ka yeeli mayno, kana socon mayso.”



Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaanu jecel nahay in shacbiga iyo ummaduna nagu taageeraan. Waxaanu jecel nahay inay Ha’yadaha sharci darrada ku shaqaynaya inay mawqifkooda si cad ugu sheegaan ayaanu jecel nahay.”



Md. Axmed Siilaanyo waxa uu jawaab kulul ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay madaxda madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo naqdiyay socdaalkiisa goboladda Saaxil iyo Tog-dheer, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ragaasi aan sheegayo qaar baa waxay yidhaahdeen Madaxweynuhu muxuu Burco ka doonay oo uu u fadhiyi waayay Hargeysa.waxaan leeyahay Burco miyaanay dalka ka mid ahayn oo aanay dadka aan madaxweynaha u ahay aanay ka mid ahayn oo aanay Boorame dalka ka mid ahayn. Ma dalka ayaan ka maqnaa inta aan dal soo marnay inta aanu mashaariic iyo waddooyin soo furnay miyaanay iyo intaanu hawl soo qabanay wax aad iyo aad u badan ayay ahaayeen.



Wax ummadda iyo dawladdu wada qabsanaysay ayay ahaayeen oo aanu aad ugu faraxsan nahay.kuwaasna (madasha wada tashiga) dhegaysan mayno way iska qaylin doonaan dal dimuqraadi ah ayaynu nahay, kuwaas dhegaysan mayno yaan dheg loo raaricinin.”



“Waxaanu jecel nahay inaanay shacbigu ka aamusin ee wixii sharci darro ku dhaqmaya ay mawqifkooda cadeeyaan ayaanu jecel nahay,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.



Madaxweyne Siilaanyo ayaa Maalinta Beeri ka waajahan Magaalada Ood-weyne si uu halkaasna mashaariic kale uga furo, isla markaana ugula kulmo wax-garadka gobolkaas, waxaana sida Gobanimonews wararka ku heshay madaxweyne Siilaanyo Oodweyne kulan gar-naqsi ah kula yeelan doonaa Madaxdhaqameedka Oodweyne iyo Galbeedka Burco oo uu halkaasi kula balamay.



Gobanimonews



Burco Office



Email: editor@gobanimonews.com