Brussels(GNA)-Shirka lagu ansixiyay heshiiska cusub ee lagu taageerayo waddanka somaliya, ayaa la soo gabagabeeyay, waxana lagaga dhawaaqay yabooh lacageed oo gaadhaysa £1.8 Bilyan EURO oo u dhiganta ilaa $2.4 Bilyan Dollar, taasoo ay ku deeqeen Qaadhaanbixiyayaashii shirka ka qayb-galay.
90 Milyan oo Giniga Euro-ga ah oo lacagtan ka mid ah waxa ku deeqay waddanka Jarmalka, 70 Milyan-na Ingiriiska, halka dalalka Denmark Sweden iyo dalalka kale ee Reer Yurub lacago kala duwan ku deeeqeen.
Qaadhaanka loogu deeqay somaliya , ayaa sida lagu sheegay qoraal shirka laga soo saaray lagu horumarin doonaa adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada, inkasta oo aan wali si dhinacyada shirka maamulayaa qaraar kama dambeysa ah ku soo saarin habka loo maamulayo iyo cida maamulaysa .
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ka hadlay dhamaadka shirka iyo aragtida dawladiisa ayaa soo dhaweeyay Yaboohda dhaqaale ee loo fidiyay waxaanu bulshada somaliyeed ugu baaqay inay isku duubni iyo midnimo ku waajahaan sidii dalka loo horumarin lahaa.
Madaxweynaha ayaa ka mid nahay Kaalmada loo fidiyay dalkiisa “dhamaan Lacagta lagu yaboobay waxa iska leh Bulshada somaliyeed, Ciidanka Amisom iyo cid kale toona waxba kuma laha, waxa lagu dhisayaa adeegyada Bulshada, waxaana loo baahanyahay inay bulshadu mar kale iyo mar kale ka shaqeeyaan sidii ay isu kaashaan lahaayeen”.
Sida laga helayo ilo-wareedyo shirka kulaalaya lacagtan, waxa ka jira Mashaariic lagu horumarinayo Wax-barashada Somaliya, taasoo uu ku jiro mashruuca dhawaan la bilaabay ee loogu magac daray Dugsiyada Aadda ( go to school).
Shirkan ayaa saaka ka furmay Magaalada Brussels ee xarunta midowga Yurub, waxaana qaban-qaabadiisu soo socotay mudo ka badan sideed bilood oo la diyaarinayay hanaanka iyo Heshiiska cusub ee lagu kala saxeexday.
Inkasta oo dawlada Federaalka ah ee somaliya shirkan u metelaysay dhaaman qaybaha kala duwan ee Goboladda somaliya, hadana dadweyne taageersan Maamulka Khaatumo ayaa mudaharaad ay kaga soo horjeedaan sababta loogu soo casuumi waayay ka dhigay meelo aan ka fogayn madasha shirku ka dhacay.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com