sir alex macalinkii hore ee man utd ayaa shaaca ka qaaday in Wayne
Rooney uu dib u helay qaabkiisii wanaagsanaa xilligan.
Ferguson oo ah hadda agaasimaha kooxda ayaa soo dhaweeyay bandhiggii u
dambeeyay ee Wayne Rooney kulamadii u dambeeyay ee horyaalka Ingiriiska
iyo kan Yurub.
“Wayne wuxuu ahaa nin wanaagsan kulankii Bayer Leverkusen, aad baan ugu
faraxsanahay in aan arko sidaas” ayuu yiri Alex oo la hadlay TV-ga Man Utd.
“Wuxuu dib u helay tabartiisii iyo awooddiisii. Ka agaasime ahaan aad
baan ugu farxsanahay in aan ku arko marxalad aynu wada xusuusan doono”
ayuu sii raaciyay.
Rooney iyo Alex ayaa la aaminsan yahay in uu ka dhaxeeyay khilaaf sababi
gaaray in Wayne uu kooxda ka tago, iyadoo Ferguson uu sheegay
kulankiisii u dambeeyay ee May in Rooney dalbaday in la iibiyo.
Rooney ayaa Bayer Leverkusen ka dhaliyay goolkiisii 200-aad ee kooxda
Man Utd taas oo ka dhigtay ciyaaryahanka 4-aad kooxda ugu goolasha badan.