Friday, September 20, 2013

Maddaxda sare ee AC milan ayaa soo bandhigay in balotelli fiicnaaday dabeecad ahaan iyo dhaqan ahaanba markuu kusoo noqday kooxdiisii caruurnimada.






Gudoomiye ku xigeenka kooxda AC Milan, Adriano Galliani ayaa sheegay in




dhaqanka Mario Balotelli ee gudaha iyo bannaanka garoonka uu ficnaaday




markii uu kusoo biiray kooxda AC Milan oo uu caruurnimadiisii taageerayay.




 




Balotelli ayaa kusoo biiray Milan bishii Jannaayo ee sanadkan isagoo 15




gool dhaliyay 19-kiisii kulan ee u horreysay, wuxuuna horey dhowr jeer




ciwaanka warbaahinta kasoo muuqday dhaqan xumo garoonka gudihiisa ah yo




bannaanka uu sameeyay darteed xilligii uu Man City ku sugnaa.




 




“Balotelli waa nin la yaab leh wuuna faraxsan yahay hadda” ayuu yri




Galliani.




 




“Waxaan u maleynayaa Mario wuu soo wanaagsanaanaayaa dhaqankiisa




garoonka iyo noloshiisa gaarka ah maxaa yeelay wuxuu u ciyaaraayaa




kooxdiisii uu taageeraha u ahaa caruurnimadiisii” ayuu sii raaciyay.