Thursday, September 19, 2013

Shixnad ka mid ah Qalabkii Sahaminta Shidaalka oo Madaarka Berbera laga Rari kari waayay!


Berbera(GNA) Shirkadda Nasha ee maamusha Adeegyada Madaarada Dalka ee Dajinta iyo Rarka Duulimaadyada ayaa shalay Rari kari wayday sadex saxaaradood oo ay leedahay shirkadda Tasla kuwaas oo muddo badan Duulimaad la’aan ugu xanibnaa Madaarka Berbera.
Saxaaradaha ay shirkadda Nasha qalabkeedu rari kar waayeen ayaa ah kuwo shirkaddu Tasla Transit ahaan u soo marisay Somaliland oo ku socday dalka Ingiriiska sida ay waaheen wararka ku heshay, shalayna la doonayay in loo raro Dalka Jabuuti si Duulimaad Ingiriiska ah loo saaro, balse markii shirkadda Olive isku dayday in ay saarto Duulimaadkii ay u heshay ay ka weyday shirkadda Nasha Wiish qaada, kadib markii ay suuqa ka soo kiraysteen mid ka awood badan koodana ay iska hor taageen.
Dhacdadan ayaa sababtay shalay in ay Buuq iyo Khilaaf ka dhex abuurto madaaraka Berbera, waxaanay sababtay arrintaasi in Dood dheeri dhex marto labada Shirkadood ee ay midina doonaysay in alaabta loo raro tii rarka maamulaysayna ay diido ama ay awoodi wayday qalabkeedu inuu raro.
Arrintan ayaa sababtay in shirkaddii diyaarada lahayd ay kaga tagto Alaabtii madaarka kadib markii ay Shirkadda Nasha Shirkadda Tasla ku khasabtay in ay damaanad qaado in ay bixiso haddii Wiishka ay suuqa ka soo kiraysteen khasaare u gaysto diyaarada, taasoo caqabad ku noqotay wakhtigaas masuuliyiinta Alaabta doonaysay in loo Raro.
Shirkadda Tasla ayaa ka mid ah labada shirkadood ee joojiyay hawshii Shirkadda Genel Energy Qandaraaska ku siisay ee Sahaminta Shiidaalka laga baadhayay Gobolka Togdheer, waxaanay qalabkeeda kala soo degtay Dekedda Berbera, halka Saxaaradahan ay Rarayso ay kala soo degtay Madaarka Berbera, iyada oo sida la sheegay Shirkadda Nasha markii hore ee ay soo dagayeena sidan oo kale qalabkeedu u awoodi waayeen taasoo sababtay in diyaaradii siday lagu dhex fur furo.
Xukuumadda Somaliland ayaa ku dooda in ay dibu-habayn ku samaysay tayada Madaaradda, iyadoo Run-way-ga Hargeysa iyo Terminalka Berbera ku dhistay Deeq ay Dawladda Kuwait ku caawisay, taasoo sababtay dhacdada ay shirkadda Itoobiya Air-line ku joojisay Duulimaadyadeedii hase yeeshee marka loo eego Adeegyda kale ee la jaan-qaadi lahaa tayada Madaaradu kama muuqato, waxaana looga baahan yahay Xukuumadda maadaama ay sheegayso in ay Madaaradii hagaajisay in ay wax ka qabato dhacadadan Shirkadda Nasha la soo daristay oo kale, isla markaana la tayeeyo.