Hargeysa(GNA) 11Xildhibaan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa Saaka Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Siilanyo u Gudbiyey Shirguddoonka golaha wakiilada,sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Golaha wakiiladdu.
Xubnahan Mooshinkan gudbiyay waxa Xildhiban Maxamed Faarax Qabile, kaasoo mar uu warbaahinta la hadlay sheegay inuu la xidhiidho la xisaabtan Golle joojin ah oo lagula Xisaabtamayo Madaxweynaha.
“Moshinkaasi waxa uu daran yahay sidda uu dhigayo qodobka 39aad waa golihii wakiilada ee shacabka matalayey, waxa kale oo uu yahay Golihii sharcidajinta, marka waxaanu moshinkan ku ururinay, markii goluhu arkay in dhammaan heshiisyada lala galay shirkadaha caalamiga ah oo aan la horkenin golaha, ayaa xildhibaanadu isla garteen in madaxweynaha arrintaasi waxa laga waydiiyo wuxu ka damcay, waxa kale oo aanu madaxweynaha waydiinaynaa sababta Diyaaradii Caalamiga ahayd ee Itoobiya Erline ay dalka uga googosatay, iyo madaarka hargeysa oo muran xooglihi ka tagan yahay, waxa kale oo aanu waydiinaynaa shirkadii shiidalka baadhaysay ee Dalka ka baxday, oo markeedi horeba dalka ku soo gadhay sifo sharcidarro ah oo dastuurka qaranka ka soo horjeeda, taasi oo xeerku dhigayo in marka hore golaha uu ku soo horeyo heshiisayada caalamiga, taasi oo xukumada Siillanyo khiyaamo qaran ka gashay, iyo waliba iyada oo raad xun kaga tagtay goboladii ay ka shaqaynysay ee Saraar, Tog-dheer, iyo Odweyne, oo dhibaato weyni gaadhay dalka iyo deegankaba.”Ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “Moshinkan Waxa ku saxeexan 11Xildhiban waana sidda Xeerku dhigayo, shirgudoonkuna way naga aqbaleen, Haddii Madaxweynuhu iman wayana dee talaabo sharci ah ayaanu ka qaadi.”Ayuu yidh.
Jawiga Golaha wakiiladda ayaa isbedelay todobaadyadii ugu dambeeyay, waxaana muuqata mucaaridad badan oo Xukuumadda kaga socota.
Waxa meesha ka baxay dhaqdhaqaaq ka dhan Shir-guddoonka bil ka hor Golaha ka dhex guuxayay, waxaanad moodaa iny taasi bedeshay xararad kulul oo mudaneyaashu ku hayaan Xukuumadda, taasoo ka soo bilaabantay natiijadii ka soo baxday kulamo albaabadu u xidhnaayeen oo Golahaasi yeeshay dhawr todobaad ka hor.
Amaanka Golaha ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana muuqata in isbedel ku yimi habsami u socodkii Golaha ee Maalinlaha ahaa oo beryaha qaar si weyn loo saluugsanaa, iyadoo dhinaca kale la dareemayo inay hoos u dhacday awoodii Xildhibaanada muxaafidka ahi ku lahayeen Golaha dhexdiisa.
Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada ayaa saadaalinaya in sida wax u socdaan sababi karto inay Goluhu waajahaan talaabo ay Xukuumadda ku gil-gili karaan, isla markaana culays badan ku saari karaan.
Waxaasoo dhamina waxay isugu biyo shuban karaan sida ay Gobanimonews xogo hoose ku heshay qorshe lagaga hortegayo in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wakhti dherersi ku samaysato marka uu wakhtiga Doorashooyinka ka hadhay dhamaado.
Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa laga soo xigtay in marka uu wakhtiga Xukuumaddu dhamaado, hadii Doorashooyin la qaban waayo la sameeyo dawlad wadaag ah oo lagu gaadho xili doorasho Madaxweynenimo, balse taasi waxay ku xidhantahay hadba sida ay asxaabta iyo dhinacyada kale ee ay khusaysaa heshiis uga gaadhaan.
Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa ayaa talada hayay mudo ku siman 3 sanadood iyo laba bilood, waxaana jira dhaliilo badan oo Mucaaridku u soo jeedinayan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com