Thursday, September 19, 2013

Shirka Sacad Muuse oo loo Mudeeyay 22 Bishan inuu Furmo”Akhri Warsaxaafadeed.


Hargeysa(GNA)-Shirka Bulshada ku nool Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa, ayaa loo mudeeyay furitaankiisa 22 Bishan,waxaanu ka furmayaa Deegaanka Agabar.




Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saareen Guddida Farsamo ee shirka Beelahaasi.




Nuqul ka mid ah oo Gobanimonews soo gaadhay ayaa lagu sheegay in dhamaan Ergooyinka looga baahanyahay inay wakhtiga la cayimay dhawraan.




Waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-




\SHIRGUDDOONKA SHIRKA BEESHA SACAD MUUSE EE HOODAALE




18/09/2013




Uj: War-saxaafadee




Shirguddoonka shirka HOODAALE ee beelwaynta Sacad Muuse ee degta Waqooyiga, Galbeedka iyo Oogada Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa waxay ugu bushaaraynayaan dhammaan bulsho weynta Sacad Muuse ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisaba in la dhammaystiray dhammaan hawlihii u diyaargarowga ee shirka Hoodaale ee degmada Agabar.




Sidaa darteed waxa la ogaysiinayaa dhammaan ergooyinka ka qaybgalaya shirka, in shirku si rasmi ah u furmi doono maalinta Axada ee taariikhdu tahay 22/09/2013, isla markaana ay ergooyinku diyaar ku ahaadaan madasha shirka ee degmada Agabar maalinta Axada ah.




Afhayeenka Shirguddoonka shirka Mowliid Maxamed Muumin.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com