Hargeysa(GNA)-Madaxweyne may ahayn inaad Xisbiyada mucaaridka h ku sheegto af-miishaariin, adigoo difaacaya Musuqmaasuqa Wasaaradda duulista hawada dul hoganaya, waxaanay ahayd inaad baadho arintaasi, dabadeed jawaab ka bixiso”sidaasi waxa Warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegay Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodi-jeex Caasha Maxamuud Raage, taasoo jawaab ka bixisay eedeymo mucaaridka uga yimi Madaxweyne siilaanyo iyo Madaxa Xafiiska Samo-falka Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye.
Aamina Maxamuud Diiriye ayaa todobaadkan sheegtay in Xisbiyada Mucaaridka ahi sifo war-xuma tashiil ah ka qayb-qaateen bixitaankii Shirkadda Genel Energy iyo go’aankii Diyaarada Ethiopian Airline ku joojisay Duulimaadyadii Madaarka Hargeysa.
Sarkaalka u hadlay WADDANI, ayaa Warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay sidan:-