Wednesday, September 11, 2013

Paolo Maldini: Carlo Ancelotti Waa Ogyahay In Real Madrid Aysan Dulqaad Laheyn.


Halyeeyga AC Milan Paolo Maldini ayaa sheegay in Carlo Ancelotti uu diyaar u yahay inuu macalin u noqdo Real Madrid, islamarkaana uu ka warqabo in kooxda ay dooneyso guul degdeg ah.




Tababaraha Talyaaniga ayaa bedelay Jose Mourinho xagaagii, isagoo labo xilli ciyaareed la soo qaatay Paris Saint-Germain.




Maldini oo ka soo garab ciyaaray islamarkaana ka soo hoos ciyaaray Ancelotti ayaa aaminsan in ninka ay isku wadanka yihiin inuu ku fiican yahay shaqada Los Blacos.




“Waxa uu u soo bartay kooxo guulo gaara, kooxo ciyaara kubad aad u fiican islamarkaana guusha saaxiib la ah” ayuu Maldini u sheegay Marca.




 




 




“Waxa uu taas ku soo bandhigay England, Italy iyo France, tabarayaal badana sidaas ma dhihi karaan. Ma jirto koox uusan Carlo macalin u noqon karin.




“Shaqo fiican ayuu u qaban doonaa Madrid sababtoo ah Carlo waxa uu guulo ku soo gaaray meel walba uu joogay. Waxa kaliya ay tahay inuu sameeyo waa inuu guuleysto. Real Madrid uma dulqaadan doonto, si la mid ah sida ay AC Milan ugu dulqaadanin. Waan hubaa waa uu ogtahay taas.




“Waxa uu dejiyaa kooxda iyo ciyaartoydeeda. Waxaan ka hadleynaa qof aqoon durugsan u leh ciyaarta iyo taatikadeeda.”