Wednesday, September 18, 2013

Rooney Oo Si Cadho Leh U Jawaabay Ka Dib Markii La Weydiiyay Hadii Uu Ka Tagayo Old Trafford Xagaaga.


Wayne Rooney ayaa gaaray goolashiisii 200aad ee Manchester United




kulankii xalayto ay 4-2 kaga badiyeen Bayer Leverkusen, laakiin




weeraryahanka reer England ay ka diiday ITV inuu haatan ka hadlo




mustaqbalkiisa.




 




Rooney ayaa labo gool dhaliyay isagoo sidoo kalena caawiye ka ahaa




goolkii Valencia, kulankiisii ugu horeysay ee David Moyes uu ciyaaro




Champions League isagoo macalin ka ah kooxda.




 




Si kastaba, markii ITV ay weydiisatay hadii uu saldhigtay Old Trafford




ka dib xagaa mustaqbalkiisa shaki la gelinayay, Rooney ayaa si adag u




jawaabay isagoo yiri: “Dhageyso, waxaan diirada saarayaa kubadeyda sidii




aan soo sameeyay xagaagii oo dhan. Waxaan si aad ah uga soo shaqeeyay




inaan taam u noqdo xilli ciyaareedka. Waan ku faraxsanahay sida aan ku




soo laabtay, waana ku faraxsanahay inaan goolal dhalinayo.”




 




Wariyaha ITV ayaana Rooney ku riixay su’aal kale oo mustaqbalkiisa ku




aadaneyd isagoo weydiiyay hadii uu xagaagii weydiistay Manchester United




in la iibiyo iyo in kale, waxaana uu ku jawaabay si carro leh:




 




“Dhageyso, hada ayaan ku sheegay” ayuu Rooney ku jawaab celiyay, “Waxaan




diirada saarayaa kubadeyda taasoo aan soo sameynayay xagaagii oo dhan.”




 




Laakiin Rooney ayaa u muuqday ciyaarta ka dib mid qorsheynaya inuu waqti




dheer sii joogo Old Trafford, isagoo bogiisa Twitter ku soo qoray:




“Natiijo weyn caawa. Sharaf ayay ii tahay inaan 200 goolal u dhaliyo




Manchester United. Waxaana rajeynayaa in intaas ka badan aan u dhaliyo.”