*Guroub B* waa mid ka mid ah guruubada ugu adag sanadkan ee tartanka
Champions League, waxaa ku jira kooxaha waaweyn ee Yurub ugu caansan
Real Madrid iyo Juventus oo ay ku wehliyaan Galatasaray iyo FC Kobenhegan.
Kooxda *Real Madrid* oo 11 sano ka hor ugu dambeysay tartankan ayaa
caawa ka billabeysa kooxda *Galatasaray* ee Turkiga ka dhisan ololaheeda
ay ku raadineyso markii 10-aad inay koobkan ku hanato.
Madrid oo sanadkan wadata macallinkeeda cusub ee Carlo Ancelotti ayaa u
safreysa Turkiga oo ay guul-darro kala soo kulantay Gala lugtii labaad
ee wareegga 8-da xilli-ciyaareedkii hore.
Gareth Bale oo dhawaan Madrid ku iibsatay 100 milyan oo Yuuro ayaa niyad
wanaagsan kulankan ku aadaya kadib markii kulankiisii u horreeyay ee
Sabtidii uu gool ka dhaliyay.
C.Ronaldo oo gool-dhalinta ku guuleystay xilligii dhammaaday ayaa sidoo
kale Los Blancos u ciyaaraya. Isco iyo Illara oo dhawaan kooxda kusoo
biiray ayaa qeyb ka ah xiddigaha caawa Madrid u ciyaaraya.
Didier Drogba oo weerarka uga ciyaara Galatasaray ayaa sheegay in Madrid
mar kale gaarsiin karaan guul-darro lama filaan si la mid ah xilligii
hore. Sneijder oo horey koobkan kula guuleystay Inter ayaa qeyb ka ah
xiddigaha Gala.
Kooxda *Juventus* oo heysatya horyaalka Taliyaaniga ayaa lagdankeeda
Yurub caawa ka billaabeysa safar ay ku aadeyso kooxda *FC Kobenhegan* ee
caasimadda Denmarka.
Macallin Antonio Conte ayaa doonaya in Juve dhadhansiiyo guulo dhanka
Yurub ah kadib laba sano oo isku xigta oo uu u qaaday horyaalka dalka.
Bianconeri oo aanan saameyn badan ku laheyn Yurub sanadihii u dambeeyay
ayaa xilli-ciyaareedkii dhammaaday tagtay wareegga 8-da markaas oo
tartanka ay kasoo saaray Bayern Munich oo markii dambe koobka ku
guuleysatay.