Sunday, September 1, 2013

Maxkamad ku Taal Dalka Kenya oo Wax ka Dedeshey Xukun Hore logu ridey burcad-badeed Soomaali ah.


Nairobi:(GNA)-11 qof oo lagu eedeeyay inay yihiin burcad-badeed oo u dhashay  Soomaaliya ayaa xukunkooda oo ahaa 20 sano waxaa imikana  loogu badalay 5 sano, kadib markii qaaddiga maxkamada sare ee magaalada Mombasa xukunkaas hore uu ku tilmaamay inuu ahaa mid culus.Gar-sooraha maxkamada Martin Muya ayaa sheegay in raggan dambiga lagu helay uu yahay weerar ay ku qaadeen markab marayay badda Hindiya sannadkii 2009-ka, waxayna xidhanyihiin muddo saddex sannadood ah taasoo ka dhigaysa xukunkii hore ee labaatanka sano ahaa mid daran.Ragga xukunka lagu riday ayaa maxkamadu ay ku sheegtay magacyadooda:  Axmed Cabdiqaadir Xirsi, C/bdiraxiim Salaad Rooble, Cabdullaahi Yuusuf, Maxamed Cabdullaahi, Maxamuud Jaamac, Cabdi Daahir Axmed, Axmed Macallim Cumar, Axmed Xassan Cadow, Axmed Maxamed Cisman, Abshir Axmed Xassan iyo Cumar Ibraahim Jimcaale.




Raggan ayaa loo haystaa inay weerareen markabka MV FNS Nivose taariikhdu markay ahayd May 3, 2009.




Xaakimka ayaa ku eedeeyay gar-soorahii hore in xukunnada uu ku riday eedeysaneyaashani ay ahaayeen kuwo culus oo aanu tixgalin in ay tahay markii ugu horeysey ee ay dembi noocan ah galaan.




“Waxaan go’aamiyay in 20 sano ay tahay xukun culus oo dheeraad ah, waxaanan ku soo koobay xukunkooda 5 sano oo kasoo bilaabanaysa wakhtigii hore ee xukunku uu ku dhacay” ayuu yidhi Garsoore Muya, wuxuuna amar ku bixiyay in 11-kan nin markay xukunkooda dhammaystaan dib loogu celiyo waddanka Soomaaliya.




Raggan ayaa waxaa dawladda Kenya u soo gacan galiyay maraakiibta dagaalka ee Yurub, kuwaasoo ka hawlgala xeebaha Soomaaliya kuna andacoonaya inay ka ilaaliyaan burcad-badeedda, walow dhawaantan warbixintii Qaramada Midoobay lagu sheegay in halkaa ay ka wadaan kalluumaysi sharci darro ah ayna gacan saar la leeyihiin burcad-badeeda Soomaalida ah.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com