Hargeysa(GNA)-Roob Ma Hiigaan ah ayaa Caawa ka da’ay Magaalada Hargeysa, kaasoo da’yay mudo Saacad ah.
Roobka ayaa Hooray abaaro shantii iyo Badhkii galabnimo, waxaanu da’yay ilaa salaadii Maqrib dabadeed , iyadoo uu ahaa Roob aad u dhibco waaweyn oo Onkod badan, isla markaana meelaha qaar dabeyl laga dareemayay.
Raxmaadkan ayaa hakad geliyay isu socodka dadka ee Magaalada, waxaanu dad badan ku khasbay inay Guryahooda ku tukadaan salaada, iyadoo dhanka kale Masaajidada magaalada qarkood lays raaciyay Salaadii Maqrib iyo Cishaayiga, sababo la xidhiidha in Roob kale oo wayni ka da’o Magaalada.
Masaajidada waaweyn iyo Mawlacyada xaafadaha dhexdooda ayaa culimadu israaciyeen labadii saladoodba.
Dhinaca kale intii Roobkani da’yay Korantada ayaa la go’day qaybo ka mid ah Magaalada, waxaanay shirkada qaarkood bakhtiyeen Adeega Korantada, iyagoo ka cabsi qaba inuu roobku danab wato, sidaasi darteed waxyeelo ka dhalato.
Geesta kale Biyo mareenada Magaalada dhex mara ayaa Daad fara badani ka soo rogmatay, waxaanay taasi sababtay in socodka gaadiidka iyo dadkuba yaraadaan.
Magaalada Hargeysa ayaa ka mid ah deegaamada inta badan Roobabka Karanta , Guga iyo Dayrtuba aadka uga da’aan, waxaana inta badan ka dhasha Caqabado dhanka isu socodka gudaha magaalada ah oo ay sababto waddo xumaanta iyo fahaada Diriineyjyada Biyuhu maraan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com