Friday, September 20, 2013

Arsenal oo raadinaysa siday u heli lahayd Conte hadii Wenger diido in uu heshiiska kordhiyo.






Kooxda Arsenal ayaa ka fikireysa in ay hesho macallinka kooxda Juventus,




Antonio Conte hadii lagu guul-darreysto wada-hadallada la doonayo in




heshiiska loogu kordhiyo Arsene Wenger.




 




Wenger oo heshiiskiisa ku eg bisha June ee sanadka soo socda ayaa




dib-u-dhigay wada-hadallo kooxda dooneysay in qandaraaska loogu




kordhiyo, isagoo sheegay in marka uu xagaagan dhammaado uu kala ogaan




doono in uu u qalmo in kooxda uu sii joogo iyo in kale.




 




Hadii Wenger soo afjaro 17-ka sano ee uu Arsenal joogay ayay Arsenal u




aragtaa Conte in uu yahay ninka beddeli kara.




 




Warbaahinta Taliyaaniga ee Sports Media Net ayaa sheegtay in Arsenal ay




ka fikireyso in Conte uu noqon karo ninka soo afjari kara abaarta koob




la’aanta ah ee heysata Arsenal in ka badan 8 sano.




 




Kooxda ayaa qiimeyneysa xaaladda xilli-ciyaareedkan, iyadoo Wenger uu




noqon karo nin sii jooga kooxda hadii sanadkan uu kula guuleysto koobab.




 




Conte ayaa labadii sano ee u dambeysay macallin u ahaa Juventus isagoo u




gacan geliyay horyaalka Taliyaaniga laba jeer, wuxuuna horey isagoo




ciyaaryahan isla Juve kula guuleystay 5 horyaal iyo hal Cahmpions League ah.