Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay qorsheynayso sidii ay u xidh-xidhi lahayd Kooxda Siyaasiyiinta ah ee ku bahoobay madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka.
Qorshahan ayaa ka dambeeyay xaasaasiyad xukuumaddu ka qabtay Golahaasi oo meel kulul, gaadhay iyo cabsi ay ka qabto in xidhiidhka ka dhexeeya Mucaaridka iyo Golahaasi horseedo kacdoonka ka dhan ah oo dalka ka dhaca.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Habeen hore Warbaahinta ka wareeray Madashada wada-tashiga, waxaanu ku tilmaamay kuwo sharci daro ah oo sifo sharci daro ah lagu samaystay, isagoo dhaliilaha ay u soo jeediyaan xukumadana ku micneeyay waxba kama jiraan.
Ma cadda ilaa hada inay jiraan xubno si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo xadhigan iyo in dhamaan xubnaha Miisaanka leh eek u jira la wada taxaabi doono, balse Ilowareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Gobanimonews u sheegay in talaabada lagu qab-qabanayo siyaasiyiinta ku bahoobay Madashu ka bilaamayso marka uu madaxweynuhu Caasimadda ku soo laabto.
Madasha-wada tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa wali sii wadda Dhaliilaha Xukuumadda ka dhanka ah, waxaanay maanta mar kale ku celiyee eedeymo la xidhiidha Heshiisyada Shirkadaha Sahaminta Shidaalka iyo Mugdiga ku jira Doorashooyinka mustaqbalka, iyagoo tilmaamay inaanay wali xukuumaddu wax qorshe ah u diyaarin.
Dhaliilaha ay inta badan u soo jeediyaan xukuumadda ayaa Dhimbiil dab ah ku noqda Aqalka Madaxtooyada iyo Xisbiga talada haya, iyadoo dhawaaq kasta oo ka soo yeedha si dhakhso ah dawladu uga jawaab celiso.
Yooyootanka ay ka dhexeeya iyaga iyo xukuumadda waxa ku lamaan oo badhitaaraya aragtida xisbiyada Mucaaridka ah oo ay si toos u ula safanyihiin Madasha wada-tashigu, taasoo ka mid ah arimaha ay xukuumaddu ka diirtay culayska ka soo food saaray.
Hase ahaatee qorshaha la doonayo in lagu xidh-xidho siyaasiyiintaasi, ayaa hadii uu dhab noqdo saameyntiisa leh, isla markaana horseedi kara xaalad siyaasadeed oo aan natiijadeeda la saadaalin Karin, balse qalafsanaan iyo xiisad hor leh sababi karta.
Ma muuqato inay xal ama waxay xukuumaddu kaga nasato duufaanka siyaasadeed ee ay nimankani horseedeen laga gaadhi karo xadhig loo adeegsadaa, balse dadka arimaha noocan saadaasha ka bixiyaa waxay ku doodayaan inay ka dhalan doonto natiijo aan la mahadin.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com