Monday, September 23, 2013

SL: Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Wasaaradda Daakhiliga oo goor dhaweyd ku kala kacay Shir ay ka yeesheen Mudaharaad ka dhan ah Xeerka Cashuur Kordhinta


Hargeysa(GNA)-Labada Xisbi Mucaarid ee Somaliland iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa goor dhaweyd ku kala kacay Shir ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa, kaasoo daba socday ismaan-dhaaf ka dhashay Codsi Xisybiyadu ku dalbadeen Mudaharaad ka dhan Cashuuraha Madaxtooyadu ku soo rogtay Xoolaha nool ee la dhoofiyo iyo Gaadiidka.




Shirkan ayaa la sheegay inay ka qayb-galeen Madaxda Asxaabta mucaaridka ah iyo Wasiirka Arrimaha gudaha oo ay wehelinayeen labada wasiir ku-xigeenka e Amniga iyo Arrimaha guduhu, waxaana la sheegay in laysku mari waayay qodobada lagaga wada hadlay oo dhinaca Xukuumaddu ahaa in la joojiyo mudaharaadkaasi.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha arimahan, balse Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI Maxamed Xasan Dirir, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in ka dib markii kulankaasi lagu soo kala kacay, wasaaradda arrimaha guduhu mar  kale u yeedhay Asxaabta mucaaridka ah.




“Saaka ayaanu dalbanay Mudaharaad Salmi ah oo aanu kaga soo horjeedno Xeerka waddooyinka ee Cashuurta lagu saaray Xoola Nool iyo Gaadiidka, dabadeed way ka dhego adeygeen Codsigii aanu u gudbinay, markaa hadana goor dhaweyd ayaanu Shirk u wada yeelanay Ambasador Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo labadiisa ku-xigeen shirkaana waanu ku soo kala kacnay oo wax isfaham ah lagu gaadhin”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “markaa hadana wasaaradda arrimaha guduhu waxay noo soo qortay warqad yeedhmo ah oo iminka ayaanu tegaynaa”.




Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shalay soo gunnaanaday Doodda Xeerka horumarinta waddooyinka oo lagu jideeyay Lacago Cashuur ah oo laga qaadayo gaadiidka iyo Xoolaha dibada loo dhoofiyo.




Lacagta Cashuurta ah ee Xeerkan lagu qaadayo ayaa diidmo iyo dareen culus ku abuurtay Bulshada iyo Golaha wakiillada, waxaana si weyn uga cabanaya Gaadiidleyda dalka oo ku andacoonaya inaanay bixin Karin cashuur ka badan ta iminka wasaaradda maaliyadu ka qaado.




Dhinacyada ka cabanaya cashuurtan ayaa doonaya inay Mudaharaad ka dhan ah qaadista lacagaaasi sameeyaan maalmaha soo socda, hadii golaha wakiilladu ansixiyo Xeerkaasi.




Wasaaradda madaxtooyada Somaliland oo xeerkan Golaha u soo gudbisay ayaa Olole balaadhan ugu jirta sidii loogu meelmarin lahaa, balse talaabada Mucaaridku Mudaharaadka ay kaga soo horjeedaan ku dalbadeen ayaa ah caqabad ka sal balaadhan dhaqdhaqaaqyadii hore u socday.




la soco War  wixii ka soo kordha




Gobanimonews




Hargeysa office




Email: editor@gobanimonews.com