Thursday, September 19, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Hargeysa ku soo laabtay


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dib ugu soo laabtay Caasimada Hargeysa, ka dib markii uu soo dhamaystay kormeer shaqo uu muddo afar maalmood ah ugu maqnaa Goboladda Togdheer, Saaxil, Oodweyne iyo Hawd.




Madaxweynaha waxa Magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay dadweyne tiro badan, waxaanu ka soo gala dhinaca Gobolka Hawd oo uu xalay u hoyday, isla markaanka Saaka Mashaariic horumarineed ka hir-geliyay.




Axmed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa intii uu safarka ku marayay Goboladda  uu tegay, furay Mashaariic kala duwan, kuwo cusub-na dhagax dhigay, waxaana mashaariicda ugu waaweyn ee uu dhagax dhigay ka mid ahaa Jidka isku xidha Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com