Thursday, September 19, 2013

Hay’ad Qodobo Sharci ka soo saartay Shirkadihii Somaliland ka baxay


Hargeysa(GNA)-Hayadda Horn Center for Criminal Justice Advancement oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka  had iyo jeerna uruurisa macluumaadka sharci (legal Sources) iyo arimaha qalafsan ee sharci (legal dilemmas) si xal sharci loogu helo (legal solutions) ee had iyo heer  taagan ayaa maanta soo saartay war saxaafadeed kooban oo laga hadlayo Arimaha Shirkada Genel Energy ee Wadanka ka baxday, Shirkada Ethiopian Airlines oo joojisay duulimaadyadeedi ay ku iman jirtay Somaliland.




War-Saxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Hayadda Horn Center for Criminal Justice Advancement Mudane Maxmed-Nasir M Dhoore ayaa u dhignaa sidan;




 “ Ka dib markaanu aragnay xaalada qalafsan ee soo foodsaartay dalkii oo ay ka mid yihiin ka bixtaanka Shirkada shidaalka ka qodaysay dalka ee Genel, iyo Diyaarada Ethiopian airlines oo joojisay duulimaadyadeedii ayay hadda Horn Center for Criminal Justice Advancement samaysay baadhitaan iyo macluumaad ururin sharci ah oo lagu daba gelayo siday wax u dhaceen”.




Hayadda Horn Center for Criminal Justice Advancement ayaa waxay u kuur gashay siday u ogaan lahayd wax u dhaceen waxaanay waraysi iyo documentiyo ka heshay ilo wadareedyo aan lagu magacaabayn qoraalkan oo qarsoodi ah, hase ahaatee, waxaanu la wadaagi doonaa shacbiga xogta rasmiga ah ee ay wadanka uga tageen labadan shirkadood.




 




Genel Energy:




Shirkada Genel Energy waxa heshiis qarsoodi ah lasoo galay Xukuumada oo uu hor boodayo Wasiirka Macdanta iyo biyaha.




1.        Waxa shirkadan iyo shirkado kaleba heshiis lagula galay qaab aan waafaq sanayn shuruucda Caalamiga ah ee khuseeya arimaha tamarta iyo soo saarida saliida (standard international energy and oil law) ee lagula macaamilo wadamada saliida iyo tamarta rabaaniga ah soo saara.




 




2.       In aan heshiiskaa la soo marin golayaasha sharci dejinta iyaga iyo shirkadaha kaleba.




 




3.        In aan la shaacin cida goob jog ka ahayd heshiiskan iyo cida Somaliland sharci ahaan metelaysay. (Legal mediating party/Somaliland legal counsel). Iyadoo aynu ognahay muhiimada ay leedahay heshiisyada noocan oo kale.




 




4.       Lama shaacin wixii lagu heshiiyay wuxuunbaa dadka lagu yidhi shirkad ayaa saliid qodaysa. (Terms of agreement).




 




5.       Waxa cad in aan la samayn nidaamkii iyo farsamadii ay ku shaqayn lahayd hayaddani isla markaana ay kula shaqayn lahayd dawlada iyo xidhiidhkii ka dhaxayn lahaa. Taasina waxa marag u ah shirkada oo wadanka iska soo gashay shaqadiina ka bilawday iyadoo aan goleyaasha sharci dejintu ogolaan si qarsoodi ahna wadanka kaga baxday iyadoo aan lala socodsiin masuuliyiintii heshiiska lala galay. Waxay taasi markhaati cad ka tahay in heshiiskaasi aanu lahay wax macna ah sharciya (Legal Substance) isla markaana siyaasad xidhiidsan oo lagu baxsan karo haday caqabadi timaado.




 




6.       In aan la samayn qiimayn halista (Risk Assessment)  ka iman karta isla markaana aanay jirin cidii maamuli lahayd halistaasi (Risk Management).




 




7.       Waxa cad in aan la samayn hab lagu maamulo maal gelinta iyo kharashaadka ka soo xerooda heshiisyadan iyadoo aan meelna lagu tilaamin faaiidada ka soo gashay Somaliland.




 




8.       Waxa cad in Fashilka ku yimi Wasaaradan uu wasiirku kula galgashay Amaanka iyo Nabad gelyada Wadanka oo ah shayga kali ah ee ay Somaliland iibiso isla markaana ah hantida kali ah ee ay ku soo caano maashay 21 sano ee ugu danbeeyay, iyadoo ayadoo aynu ognahay in jirto maamul xumo baahsan, siyaasad la’aan, sharciga baal marid cad, iyo musuqmaasuq.




 




 




 




Shirkada Ethiopian Airlines:




 




1.       Waxaynu ugu horayn ognahay in madaarka diyaaradaha ee Hargeysa uu in badan u xidhinaa iyadoo la leeyahay waxa lagu samaynayaa dib u dhis iyo dib u habayn.




2.       Waxaynu ognahay in lacag dhan $10million oo doolar loogu deeqay madaarka si dib u dhis loogu sameeyo.




3.       Waxaynu ognahay in shirkad aan wadanka hore looga aqoon isla markaana aan haysanin taariikh shaqo oo ay hore wadanka uga soo qabatay la siiyay qandaraaskii.




4.       Waxaynu ognahay in la yidhi wuu dhamaaday garoonkii isla markaana ay soo fadhiisatay diyaarada Ethiopian airlines nasiib daro se aanay mar danbe soo noqonin.




5.       Hadaba baadhitaan aanu samaynay waxaanu soo ogaanay in, qandaraaska la bixiyay aan si saxa lagu bixin isla markaana aan qaab sharci ah loo marin.




6.       In qiimaha la sheegay in lagu qarash gareeyay garoonka uu aad uga hooseeyo qiimaha run ahaan tii ku baxay.




7.       In aan shacabka iyo deeq bixiye yaashii midna la tusan qarashkii meesha ku baxay oo qoraal ahi (expense report).




8.       In diyaaradihii ay diideen in ay soo fadhiistaan iyagoo ku siyeeyay diidmadaa tayada garoonka oo xun awgeed.




9.       In Fashilkii Wasiirku uu isna kula gal gashay amniga iyo nabad gelyada dalka oo ah shayga kali ah ee Somaliland raasa maal ahaan u haysato.




 Soo Jeedin:




 Hayadda Horn Center for Criminal Justice Advancement waxay u soo jeedinaysaa Madaxweynaha, Goleyaasha sharci dejinta, Wasaaradaha Duulista iyo Hawada, Wasaarada Macdanta, hanti dhawrka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka arimahan hoos ku qoran;




 




1.       In arimahani yihiin fadeexado (serious scandals)  saamayn weyn ku leh  maadaama oo ay shirkadihii guureen caalamkuna uu ka qaadan karo aragti khaldan(wrong impression).




2.       Madaxweynuhu in uu arintaa gudi madax banaan u saaro oo baadha isla markaana uu go’aan ded-deg ah ka qaato.




3.       In Madaxweynuhu u magacaabo heshiisyada Saliida iyo Tamarta Wadanka iyo maamulkeedaba Gudi madax banaan (independent oil and energy commission) oo ay ku jiraan dad aqoon gaar ah u leh mawduucyadan iyo maamul koodaba.




4.       In ay goleyaasha sharci dejinta dalbadaan heshiis yada isla markaana aanay ogolaan in hawshii la bilaabo iyadoo aan laga doodin lana ansixin.




5.       In goleyaasha sharci dejintu ay soo gole fadhiisiyaan wasiiradan waydiiyaana sababta keentay mushkiladahan iyo meesha ay lacagahaasi aadaan.




6.       In xafiisyada hanti dhawrka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranku ay bilaabaan baadhitaano la xidhiidha arimahan iyo musuqmaasuqa aan la qarin Karin ee dhacay.




7.       In shirkadii dhistay airportiga la keeno lala xisaabtamo dadkana loo cadeeyo lacagtu meesha ay ku baxday.




8.       In xisaab celin rasmi ah laga dalbado




9.       In goleyaasha qaranku ay daba galaan hanti dhawrka iyo xeer ilaalintaba haday hawshooda gudan waayaan.




10.   In Wasiiradaasi sida ugu dhaqsaha badan is casilaan.




Allaa Mahad leh