Thursday, September 19, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Bali-gubadle u Hoyday, Salaxley-na Mashaariic ka dhagax-dhigay


Bali-gubadle(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey oo ku guda jira socdaalkoodii Goboladda Bariga ayaa  soo gaadhay Degmada Salaxlay oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin tiro badan oo ka kala socday Xukuumada, Golayaasha qaranka iyo Madax-dhaqameedka Degmada oo uu hogaaminaayey Xaaji Cabdikariin (Cabdi waraabe).




 halkaas oo uu madaxweynuhu dad weyne fara badan oo ku soo dhaweeyey uu khudbad ugu jeediyey isaga oo xoogaa nasasho iyo casuumadii qado sharafta ahayd ka dib soo kormeeray Cusbital-ka Degmada oo uu dhagax u dhigay Dayr lagu wareejin doono dhakhtarkaasi.




 intaasi ka dib waxa uu u anba baxay Magaalo madaxda Gobolka Hawd ee Baligubadle halkaas oo uu ku soo beegmay Xili danbe oo habeenimo ah Roobabna ay ka da'ayeen Magaalada.




waxaana madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey Cuqaal iyo masuuliyin kala Duwan oo madaxweynaha kaga Hiryimid Duleedka Magaalada,




madaxweynaha ayaa caawa ku sugan Gobolka hawd lana filayo in uu beri madaxweynuhu mashaariic kala duwan oo gobolka ka hirgalay iyo kuwo beri laga hirgelindoono uu madaxweynuhu ka qaybgeli  doono hadii eebbe inagu simo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com