Thursday, September 19, 2013

Madax wayne Obama oo la furaya wada hadal ku saabsan Nuclearka xukuumada Iran


(GNA) Madax waynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal ku saabsan barnaamijka Nuclearka oo uu la furto masuuliyiinta dowladda Iraan.




Madax wayne Obama ayaa sheegay in Iraan ay ka biyo diidsan tahay inay burburiso barnaamijkeeda Nuclearka badalkii ay aqbali lahayd dalabka wadamada reer galbeedka iyo Maraykanka.




Madax waynaha Maraykanka ayaa xili uu waraysi siinayay Telefeshinka ku hadla afka Spanishka ee Telemundo waxuu sheegay inay jiraan fursado badan oo diblomansi oo u furan xukuumada Iraan si loo meel mariyo wada hadal lagu dhameeyo barnaamijkeeda Nuclearka.




Madax wayne Obama ayaa waraysigiisa ku sheegay inuu rajo wayn ka qabo inay Iraan ka faa’iidaysato dadaalka diblomaansi ee beesha caalamka taasi oo laga doonayo Madax wayne Rouhani inuu meel mariyo.




Waraysiga Madax wayne Obama ayaa imaanaya xili Maraykanku uu u xaqiijiyay Raisul wasaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu booqasho ku tago aqalka cad ee Maraykanka 30 bishan si loo xoojiyo wada hadalka lala galayo kooxda wada xaajoodka Iraan ee barnaamijka Nuclearka iyo wada hadal nabadeed oo ka dhaca Siiriya iyo Falastiin.




Mr Netanyahu ayaa sheegay inuu u tagayo Maraykanka sidii uu barnaamijka Nuclearka Iraan ugala hadli lahaa madax waynaha Maraykanka Barack Obama.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmal.com




Gobanimonews.com