Friday, September 13, 2013

Kolo Toure: Marka Ay Ka Danbeeyaan Taageerayaasha Liverpool Waxaad Yeelaneysaa Awood Dheeri Ah.


Kolo Toure ayaa qirtay inuu si weyn u la dhacay taageerada uu ka helay jamaahiirta kooxda Liverpool tan iyo markii uu kooxda ku biiray, isagoo fariin sahlan u diray taageerayaasha: “Waan idiin dagaalami doonaa.”




Daafaca ayaa si dhaqso ah magac ugu sameystay Anfeild tan iyo markii uu si xor ah xagaagii uga soo wareegay Man City.




Waxaana Toure uu dareensan yahay in taageerada uu ka helay The Kop inay siisay awood dheeri ah marka uu garoonka galo.




 




 




Isagoo u hadlayay website-ka Liverpool waxa uu yiri: “Xaqiiqdii waan ku riyaaqaa marka aan arko taageerayaasha maalin walba. Waan dareemi karaa taageeradooda, waana dareemi karaa jaceylka ay u qabaan kooxda. Taasna waa wax weyn.




“Sidii aan hore u sheegay markii aan imid, isbedel weyn ayay ii tahay inaan joogo Liverpool Football Club, waana ku riyaaqayaa.




“Waxaan doonayaa inaan u dagaalamo taageerayaasha sababtoo ah marka aad heysato taageerayaal iyaga oo kale ah, waxa ay ku siineysaa awood dheeri ah.”