Friday, September 13, 2013

Oliver Kahn: Barcelona Waqtigeedii Ay Ugu Fiicneyd Waa La Soo Dhaafay.


Oliver Kahn ayaa amisan in Barcelona iyo kubada cagta Spain la soo dhaafay waqtigoodii ay ugu fiicnaayeen, islamarkaana uusan jirin wax ka cabsoonaya sannadkan.




Xilli ciyaareedkii hore labada kooxood ee reer Spain Barca iyo Real Madrid waxaa semi-finalka ku reebay labada kooxood ee Jarmalka Bayern Munich iyo Borussia Dortmund.




Kabtankii iyo goolhayihii hore ee Bayern, ayaa aaminsan in Catalans waqtigeedii ugu fiicnaa la soo dhaafay.




“Waxaan aaminsanahay in Barcelona waqtigeedii ay ugu fiicneyd la soo dhaafay” ayuu Kahn u sheegay TV Movie.




 




 




“Ma jirto koox Europe ah gaar ahaan koox Jarmal oo ka baqeysa iyaga.




“Waxaan qabaa in Bayern ay heysato ciyaaryahano caqli badan, islamarkaana diyaar u ah inay difaacdaan koobka Champions League.




“Guusha iska socota ee Bayern waxa ay mar walba ku xiran tahay isbedelka dhaca iyo fekrado cusub.”