Friday, September 13, 2013

Luis Figo: Cristiano Ronaldo Ma Gaarin Heerkii Eusebio.


Halyeeyga Real Madrid Luis Figo ayaa sheegtay inay tahay wax aan la aqbali karin wararka soo jeedinaya in Cristiano Ronaldo uu ka sarre maray Eusebio ciyaaryahankii abid ugu fiicnaa Portugal.




28 jirkaan ayaa dhawaan ka sarre maray gooldhalinta xulka Portugal ee Eusebio isagoo noqday ninka labaad ee ugu goolasha badan xulka Portugal ka dib seddexleey uu ka dhaliyay Nothern Ireland.




Dood ayaana markaasi ka dib soo baxday oo ku aadan hadii xiddiga Los Blancos loo texgelinayo ciyaaryahanka ugu fiicnaa abid Portugal, laakiin Figo ayaa diiday talo soo jeedintaas, isagoo sheegay inaan la gaari karin heerkii Eusebio.




“Waa wax aan la aqbali karin in la isla barbardhigo” ayuu Figo u sheegay Marca.




 




 




“Ma qabo in Eusebio lala barbaro dhigo cidna, ani ahaan waxa uu yahay boqor.




“Waa adag tahay in la kala saaro cida fiican Eusebio, Cristiano Ronaldo, Luis Figo, Diego Maradona ama cid walba sababtoo ah qof walba fekerkiisa u gooniga ah ayuu leeyahay.”




Ronaldo ayaa afar gool kaliya u jira inuu noqdo gooldhilayihii ugu weynaa abid ee xulka Portugal iyadoo Pauleta uu leeyahay 47 gool.