Jose Mourinho ayaa aaminsan in Tottenham ay tahay kooxda guusha ugu weyneyd ka gaartay suuqa kala iibsiga xagaagii, inkastoo uu ka tagay Gareth Bale.
Tottenham oo 100 milyan euro Bale kaga iibisay Real Madrid ayaa la soo wareegtay xiddigo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Erik Lamela, Roberto Soldado iyo Christian Eriksen, waxaana Mourinho uu aaminsan yahay in Spurs ay kooxdiisa iyo kooxaha kaleba kaga badisay suuqa kala iibsiga.
“Tottenham ayaa ah kooxda ku guuleysatay suuqa kala iibsiga, waxa ay soo iibsadeen lix, todoba, sideed ciyaaryahano heer caalami.” ayuu Mourinho ku sheegay shirkiisii jaraa’id ee maanta.
Mourinho ayaa sidoo kale kaga hadlay shirkiisii jaraa’id ee maanta go’aankii ay kooxdiisii hore Real Madrid ay Mesut Ozil uga iibisay Arsenal.
“La yaab ayay igu aheyd in Madrid ay iska fasaxday Ozil, laakiin waa dhaqanka kubada cagta” ayuu yiri.
“Mesut waxa uu ka tagay koox weyn laakiin waxa uu yimid horyaalka ugu weyn adduunka iyo koox hami weyn leh. Waa uu ku faraxsanaa heshiiska. Xusuus fiican ayaan ka heystaa isaga, waxaana u rajeynayaa wanaag, laakiin wanaag sidaas u badan ma ahan sababtoo ah waxa uu u ciyaarayaa koox aan si toos ah u xafiiltameyno.”
Iyadoo Chelsea ay la soo wareegtay Samuel Eto’o islamarkaana Romelu Lukaku amaah lagu siiyay Everton oo ay berri la ciyaarayaan, xiddiga reer Spain Juan Mata ayaa isna ahaa ciyaaryahan mustaqbalkiisa shaki la gelinayay muddo dheer.
Mourinho ayaana diiday inuu xaqiijo in Mata uu boos joogta ah ka helayo koox koowaad xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu sheegay inuu qeyb ka yahay qorshihiisa.
“Mata waa ciyaaryahan aan aad u jeclahay, waa ciyaaryahan aan in badan aamino, waxaana uu u dagaalami doonaa booskiisa. Waxa uu noqon doonaa ciyaaryahan mararka qaar lagu soo bilaabo ama mararka qaar kursiga keydka fadhiya. Laakiin mararka qaar kooxdaba laguma soo dari doono sida ciyaaryahan walba. Iyadoo aan ciyaareyno kulamo badan waxaan sameyn doonaa go’aano badan oo indhahiina qariib ku ah. Mararka qaar waxaan ka fekeraa meel ka fog kulanka soo socda.
“Go’aan adag ma aysan aheyn inaan Lukaku fasaxno sababtoo ah isaga ayaa rabay. Wiilka waxa uu rabay inuu isbuuc walba ciyaaro. Ma aqaano hadii Everton ay taas u balanqaaday. Waa wiil aad u fiican, waana sababta aan u diidnay inaan iska iibino.
“Qof walba waxa uu soo laabtay isagoo taam ah” ayuu Mourinho ka yiri ciyaartoydii ku maqneyd kulamada heerka caalami.
“Eto’o waxaan ku soo dari doonaa kooxda, waxaana filanayaa inuu ciyaaro.
“Waxaa uu la qabsaday qaabka aan u rabno inaan u ciyaarno. Farsamo ahaan aad ayuu u fiican yahay. Waxa uu baahi u qabaa goolal, waxaana uu kooxda ku soo kordhin doonaa qibrad.”