Gareth Bale ayaa u safan doona Real Madrid kulankiisii u horreeyay marka ay caawa kooxdiisa booqato kooxda Villa Real kulamada afaraad ee horyaalka Spain. Kadib markii Los Blancos ku iibsatay laacibkan 100 milyan oo Yuuro oo ah rikoorka adduunka ayaa la caddeeyay in uu kulankan kasoo muuqan karo kadib markii toddobaadkan xulkiisa Wales u ciyaaray isreeb-reebka koobka adduunka. Bale ayaa qiray in 100% uu diyaar u yahay kulankan, isagoo caddeeyay in uu ka ciyaari doona boos kasta oo uu u doorto macallinkiisa Carlo Ancelotti. Labada koox ayaa si wanaagsan ku billowday horyaalka xilligan, iyagoo wada badiyay seddexdii kulan ee ka ciyaareen horyaalka, isla markaana wada leh min 9 dhibic. Real ayaa ayaa rikoor wanaagsan oo guulo ah ka wadata Villa Real kulamadii u dambeeyay, iyadoo badisay 17 kulan oo ka mid ah 26-kii kulan ee u dambeeyay. Real ma guul-darreysan lixdii kulan ee u dambeysay ee ka hor-tagtay Villa Real. Villa Real ayaa kaliya laga badiyay 7 kulan horyaalka heerka labaad ee xilligii dhammaaday oo ay ka gashay kaalinta labaad, waxeyna si wanaagsan ku billaabatay xilligan heerka koowaad. Garoonka El Madriigal ayaa ahaa mid aad ugu adag kooxaha soo booqanaya 12-kii bil ee u dambeysay, iyadoo seddex mar oo kaliya looga adkaaday Villa real garoonkan xilligaas. Xabi Alonso iy Raphael Varane ayaa labaduba dhaawac kaga maqan kulankan, balse C.Ronaldo iyo Isco oo si wanaagsan uga qeyb galay tababbarka ayaa kasoo kabsaday dhaawacyo yar yar oo kasoo gaaray waajibaadka qaranka. Bojan Jokic iyo Francisco Farinos ayaa shaki la gelinyaa inay u ciyaari karaan kooxda martida loo yahay kulankan