Saturday, September 14, 2013

Hordhaca Everton v Chelsea: Mourinho Oo Rajeynaya Inuu Sii Ahaado Mid Aan Dhinaca Dhulka Loo Dhigin.


Iyadoo kooxda Liverpool ay ciyaareyso habeenka isniinta, Chelsea ayaa qaban karta caawa hogaanka Premier League ay ka badiso Everton kulanka caawa ka dhacaya Goodinson Park 7:30pm xilliga geeska Afrika. Halka kooxda martida loo yahay ee Everton ay raadineyso guusheedii ugu horeysay ee Premier League iyagoo barbaro galay seddexdii kulan ay soo ciyaareen. Xiddiga amaahda ku joogo Everton Romelu Lukaku kama horimaan karo kooxda iska lehe ee Chelsea, laakiin James McCarthy iyo Gareth Barry ayaa laga yaabaa inay saftaan kulankoodii ugu horeysay ee kooxda Merseyside ka dhisan. McCarthy ayaa dhaawac yar uu ku soo gaaray intii uu ku maqnaa kulamada heerka caalami ee xulkiisa Republic of Ireland, si la mid ah daafaca midig Seamus Coleman, laakiin labadooda waa ay ciyaari karaan. Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in Eto,o uu ciyaari doono kulankiisii ugu horeysay caawa, inkastoo aan la fileynin in lagu soo bilaabp. Kooxda London ka dhisan ma lahan wax dhaawac cusub ah.