Saturday, September 14, 2013

Hordhaca kulanka Man Utd Vs Crystal Palace, Moyes oo raadinaya guushii u horreysay ee Old Trafford.


Macallinka Man Utd, David Moyes ayaa raadinaya guushiisii u horreysay ee garoonkiisa Old Trafford galabta marka uu qaabilo kooxda dhawaan soo dallacday ee Crystal Palace. Kooxda horyaalka difaacaneyso ayaa ka hor tagi doonta kooxda uu leyliyo Ian Holloway kadib guul-darro 1-0 oo ay kala soo kulantay Liverpool kulankii u dambeeyay ee horyaalka. United ayaa kaliya hal dhibic ka sarreyso kooxda Palace oo heshay guushii u horreysay kulankeedii u dambeeyay markii 3-1 ku garaacday Sunderland. United ayaa kaliya badisay kulankii furitaanka ee Swansea la ciyaartay, iyadoo kulankii xigay bareejo gool la’aan ah la gashay Chelsea, halka Liverpool ay kala soo kulantay guul-darro 1-0 ah. Waa markii ugu horreysay tan iyo 2007-dii oo Man Utd laba kulan oo isku xigta oo horyaalka ah aysan dhalin gool. United ayaa heleysa adeegga xiddiggeeda cusub ee Marouane Fellaini kaas oo maalintii u dambeysay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda 32 milyan oo Yuuro kaga soo iibsatay kooxda Everton, balse waxaa wali dhaawac madaxa ah uga maqan Wayne Rooney. Phil Jones iyo Rafael oo ka ciyaara daafaca ayaa labaduba shaki la gelinayaa iyagoo qaba dhaawacyo. Kooxda Palace ayaa wajaheysa United iyadoo xasuusato guushii ay ka gaartay sanadkii 2011-ka markii ay isku arkeen League Cup-ka. Kooxda Palace ayaa kulankan waxaa ka maqan macallinkooda muranka badan ee Ian Holloway oo la ganaaxay laba kulan kadib markii hadallo aanan wanaagsaneyn uu ku dhahay garsoore Mark Clattenburg kulankii Tottenham 1-0 kaga badisay kadib. Macallinkii hore ee kooxda Blackpool ayaa qiray in kooxdiisa ay sameyn karto dedaal walba oo ay ku guuleysan karto, isagoo sheegay in kooxdiisa ay muujin doonto bandhig fiican. Macallin Holloway ayaa waxa uu ka cabanayaa dhaawacyo badan oo heysta qaar ka mid ah ciyaartoydiisa. Paddy McCarthy, Yannick Bolasie, Jerome Thomas iyo Glenn Murray oo lagu daray xiddigga cusub ee Jack Hunt ayaa dhammaantood ka maqnaan doona kulankan.