Sunday, September 15, 2013

Boorame: Ducfadii Sadexaad Oo Ka Qalin-jabisay Jaamacadda Eelo.


BOORAME (GNA)-Wasiirudawlaha Wasaarada Waxbarasada iyo TacliintaSare oo ay weheliyaan Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka qayb galay qalin-jabinta dufcadii sedexaad ee Jaamacada Eelo ee magaalada Boorama.




Qalinjabintan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ku qalin jabinayay 75 arday oo wax ka bartay kuliyadaha kala ah Engineering-ka, Culuunta Kumbiyuutarka iyo Tiknoolajiyada, Maamulka iyo Maariyaynta iyo Maamulka Mashaariicda oo Diploma ah, waxana ay xafladan oo ka dhacday hoteelka Ramad ee magaalada Boorama ka soo qayb galay maamulka gobolka, kan degmada, culimaaudiin, waxgarad, waalidiin iyo martisharaf kale.




Gudoomiyaha Jaamacada Eelo Dr. Maxamuud Xuseen Cige oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa ka waramay heerarkii kala duwanaa ee ay Jaamacadda Eelo Soo bartay, waxana uu sheegay in tan iyo aasaaskii jaamacada oo maanta sedex jirsatay isaga carabaabay in marxalado kala duwan oo gabi ahaanba la jaanqaadaya hormarka ay ku talaabsatay Jaamacadu mudadaasi ay jirtay.




Gudoomiyuhu isaga oo la dardaarmaya ardayda maanta Qalinjabisay waxa uu yidhi “Waxa aad tihiin jiil lagu soo tabcay oo dadaal badan la galiyay ee ugu horayn ha hilmaamina inaad Eebe u mahad naqdaan oo aad waalidiintiinii waqtiga iyo dadaalka idin galisayna u baal gudaan, dalkiina ayaa isaguna idin sugaya oo masuuliyad wayni idinka saaran tahay, waxana loo baahan yahay inaad habeen iyo maalin u fikirtaan sidii aad u hormarin lahaydeen oo aad waxla taaban karo oo midho dhal ah uga soo saari lahaydeen, waxaanad u tihiin jaamacada EELO Safiiro meelkasta oo aad joogtaan eek u dadaala sidii aad sumcadeeda iyo sharafteeda u ilaalin lahaydeen korna ugu qaadi lahaydeen




“Kadib markii uu diiwaanhayaha guud ee jaamacada EELO noo soo gudbiyay darajooyinkii imtixaanaadkiinii u dambeeyay, markaan xaqiijinay docomintiyadii kuliyadaha shanta ah ee marag furaya inaad hanaankii waxbarasho ee la idiinka baahnaa soo wada qaadateen, markaan eegnay qodobada dastuurka Somaliland iyo xeerarka kale ee fasaxaya in Jaamacada EELO bixin karto shahaadooyin waxaan sifo sharci ah oo rasmiya madaxda horteeda idinku godoonsiiyey diplomoyinka iyo digriiyada aad mutaysateen xuquuqdiinana waxa aad kuleedihiin dalkiina, wixii waajib idinka saaran yahayna idinka ayaa la idinka rabaa inaad gudataan”ayuu yidhi Dr. Cige




Xoghayaha Guurdita Cabdilaahi Ibraahim Habane oo halkaasi ka hadalay ayaa hambalyeeyay ardayda qalinjabinaysay, waxana uu xusay in Jaamacada Eelo mudada ay jirtay ay ku talaabsatay hormar balaadhan isla markaana soo saartay arday anfac balaadhan u leh, dalka, sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la xoojiyo tayada dugsiyada hoose dhexe si ayuu yidhi ay kor ugu soo kacdo tayada ardada Jaamacadaha wax ka barata.




Sheekhul Baladka Boorama Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar iyo Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo iyaguna halkaasi ka hadalay ayaa si maamuus leh oo bogaadiyay ardayda ka qalinjabinaysa Jaamacadda Eelo, waxana ay xuseen in ardayda looga baahan yahay inay dalkooda aaminaan oo ay noqdaan kuwo wax kala soo baxa oo ka baaqsada tahriibta iyo hayaanka kale ee maanta dhalinta mushkilada u ah.




Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee xisbiga WADANI Md.Axmed Muumin Seed oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu bogaadiyay ardayda qalinjabisay waxana uu yidhi “Way dadaaleen ardayda, waalidiinta iyo macalimiinta iyo maamulka Jaamacada Eelo, waxa ay soo saareen arday wax baratay oo tayo leh oo u heelan inay dalkooda shaqooyin ka helaan waxna ka qabsadaan”




Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Aayar iyo Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo iyaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa ay xuseen inay aad ugu faraxsan yihiin qalinjabinta ardaydan Jaamacadda Eelo, waxana ay tilmaameen inay sharaf u tahay in arday intan dhan ay qalinjabiyaan iyaga oo maamulka haya.




Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacadda Camuud Prof. Axmed Cabdilaahi Boqore iyo Masuul ka socday Jaamacadda Hargaysa ayaa iyaguna xusay in Jaamacadda Eelo ay ku talaabsatay hormar balaadhan isla markaana ay xidhiidh xoogan oo dhinaca iskaashiga tacliinta ah leeyihiin jaamacadahan iyo jaamacada Eelo, sidoo kalena waxa ay bogaadin iyo waano dhinacyo badan taabanaysa u gudbiyeen ardayda qalinjabinaysay.




Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo Wasiirka XIdhiidhka Golayaasha Cilmi Baadhista iyo Tiknoolajiyada Aadan Axmed Warsame oo iyaguna ka hadlay halkaasi ayaa bogaadiyay ardayda qalinjabisay, waxana ay xuseen in xukuumada ay ka go’an tahay in ay shaqo abuur iyo dhiiri galin u samayso ardayda ka qalinjabinaysa Jaamacadaha dalka, dhinaca kale waxa ay hoga tusaaleeyeen ardayda maanta qalinjabisay waxana ay u tilmaameen in loo baahan yahay in waxii ay barteen ay dalka kaga shaqeeyaan isla markaana ay sii amba qaadaan hilinka tacliinta oo ay ku tilmaameen mid maanta uun bilaw u ah ardaydan.




Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Nuur Faahiye oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Maanta waxa aad tihiin mutacalimiin, ogaada waxa idiin baahan dalkeena iyo dadkiinaba, noqdana kuwo ku dadaala sidii loo hormarin lahaa, noqda kuwo wax abuura oo aanan wax loo yeedhinin, kuna xisaabtama inaad wax badan oo qabyooyin ah oo jira maanta dalka uu waajib idinka saaran yahay inaad wax ka qabataan”




Ugu Dambayntii waxa uu Wasiiru dawluhu halkaasi ku gudoonsiiyay shahaadooyin qaar ka mid ah ardaydii maanta qalinjabiyay oo ay ku jiraan gabdho kaalmaha u sareeya iyo kaalmo kale oo muhiim ah ka galay heerarkii kala duwanaa ee waxbarasho ee ay soo mareen.