Tuesday, September 17, 2013

Hordhaca Champions League Group D: Guardiola Iyo Pellegrini Oo Maraya Tijaabadii Ugu Horeysay.


*Guroup D* waa mid ka mid ah guruub-yada ugu adag sanadkan ee wareegga
koowaad ee horyaalka Yurub, waxaana ku jira labada koox ee waaweyn ee
Bayern Munich iyo Man City, iyadoo ay ku wehliyaan kooxaha CSKA Moscow
iyo Viktoria Plzen.




Kooxda horyaalka difaacaneyso ee *Bayern Munich* ayaa caawa la
ciyaareysa kooxda *CSKA Moscow* oo garoonkeeda Alienza Arena kusoo
dhaweyn doonto kooxdan Ruuska ka dhisan.




Munich ayaa dooneysa in aysan lumin qaabkii fiicnaa ee sida xaraga
laheyd koobkan ugu guuleysatay xilli-ciyaareedkii dhammaaday, waxaana
sanadkan leylinaya kooxda ninka horey labada jeer koobkan ugu guuleystay
ee Pep Guardiola.




Munich ayaa xilli-ciyaareedkan soo iibsatya xiddigo ay ka mid yihiin
Mario Gotze iyo Thiago Alcantara, waxeyn si cad uga mid yihiin kooxaha
looga cabsanayo ku guuleysiga tartanka sanadkan.




Kooxda *Man City* ayaa ciyaareysa markii seddexaad tartankan
taariikhdeeda, iyadoo labadii sano ee lasoo dhaafay ku guul-darreysatay
inay kasoo gudubto wareegga koowaad.




pellegrini_1761385a




Manuel Pellegrini oo tartanka horey horumar ka gaarsiiyay kooxaha Villa
Real iyo Malaga ayaa sanadkan leylinaya City kadib markii ay eriday
Robert Mancini.




City ayaa caawa u safreysa dalka Czech halkaas oo ay kula soo ciyaareyso
kooxda *Viktoria Plzen*, waxaana kooxda dib ugu soo laabtay kabtankooda
Vicente Kombany oo dhaawac uga maqnaa toddobaadyadii u dambeeyay.




Waa kulankii 45-aad ee Pellegrini tartankan koox u hoggaamiyo, wuxuuna
xilligii dhammaaday kooxda Malaga gaarsiiyay wareegga 8-da koox oo
markii dambe si silic ay kaga soo tuurtay kooxda Dortmund.




Man City ayaa sanadkii hore noqotay kooxdii ugu horreysay ee Ingiriiska
tartanka Yurub kala soo laabata iyadoo anan xataa hal kulan badin,
waxeyna ka dambeysay kooxaha Madrid iyo Dortmund oo ay isku qeyb ahaayeen.




Citya ayaa bandhig hooseeya ku billowday horyaalka Ingiriiska
xilli-cyaareedkan, iyadoo suuqa ku qarash gareysay 90 milyan oo Gini,
waxaana si gaar ah loo wada sugayaa hadba horumarka ay ka sameyso
tartankan Yurub oo ay fashil kala laabatay labadii xilli ee u dambeysay.