Tuesday, September 17, 2013

Adnan Januzaj-ka Man United Oo Laga Yaabo Inuu Ku Biiro Deriskooda Man City.



Manchester United ayaa halis ugu jirta in xiddigooda da’da yar Adnan
Januzaj inuu ka tago oo uu ku biiro kooxda ay deriska yihiin ee
Manchester City.




Wargeyska Daily Mail ayaa saaka qoraya in 18 jirkaan uu muran dhanka
qandaraaskiisa ah kula jiray kooxda Red Devils muddo ku dhow lix bilood,
City ayaana diyaar u ah inay ka faa’ideysato hubanti la’aanta mustaqalka
xiddiga reer Belgium.




Waxaana Sky Blues ay dooneysaa inay dalab u bandhigto da’ yarkaan taasoo
ka careysiin doonta jamaahiirta Old Trafford islamarkaana ilowsiin
doonta sida ay Man United ugu guuldareysatay xagaagii suuqa kala iibsiga.




Januzaj ayaa hoosta ka xariiqay inuu yahay xiddig mustaqbal leh markii
uu bedel ku soo galay kulankii sabtida ee ay Man United 2-0 kaga badisay
Crystal Palace, waxaana uu sidoo kale qeyb ka ciyaaray kulankii
Community Shield ee bishii hore.




Laakiin mustaqbalkiisa Old Trafford ayaa noqon kara mid soo dhamaada,
ilaa iyo inuu Moyes u dhaqaaqo inuu siiyo xiddigan hubanti ah kooxda
koowaad iyo lacagta uu raadinayo.




Januzaj ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxda waxa uu dhacayaa dhamaadka
xilli ciyaareedkan, waxaana uu ilaa iyo haatan diiday inuu saxiixo
heshiis cusub inkastoo wadahadalada ay soo bilowdeen bishii April.




*Ciyaartoydoydii U Soo Wada Ciyaartay Man United Iyo Man City Tan Iyo
Dagaalkii Labaad Ee Adduunka:*




Denis Law, Brian Kidd, Wyn Davies, Sammy McIlroy, Peter Barnes,
John Gidman, Peter Beardsley,
Mark Robins, Andrei Kanchelskis, Peter Schmeichel, Terry Cooke,
Andy Cole, Carlos Tevez, Owen Hargreaves