Sunday, September 1, 2013

Raisul Wasaaraha Dalka Yemen oo ka Badbaaday isku Day Dil.


Sanca (GNAI)Waa markii ugu horeeysay tan iyo markii uu talada dalka lawareegay isku day dil oo lagu qaado Raisul wasaaraha dalka Yemen Max’ed Salem Basindwa ayaa ka badbaaday fal isku day dil ah oo ay isku dayeen ciidamo  hubaysan sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan magaalada caasimada ah ee Sanca.




Rag hubaysan oo watay gaadhi ayaa la sheegayaa inay rasaas ooda uga qaadeen gaadhigii uu watay Raisul wasaaraha xili uu ku sii jeeday gurigiisa sida uu sheegay mid kamid ah lataliyayaashiisa.




Waa markii ugu horaysay ee Raisul wasaaraha Yemen weerar noocan oo kale lagu qaado kaasi oo  lagu doonayay in lagu qaarijiyo  sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP in kastoo ay jiraan xubno kale oo ka tirsan golahiisa wasiirada oo hore loo bartilmaameedsaday.




Dowladda Yemen ayaa dagaal waxay kula jirtaa dagaal yahanka hubaysan ee Al Qaacida gacanka carbeed ee ka howl gasha dalka Yeman.




Sarkaal ka tirsan waaxda sirdonka dalka Yeman ayaa isna lagu dilay weerar la sheegay inay ku soo qaadeen dagaal yahanka Alqaacida koonfurta gobolka Labous ee dalka Yemen.




Raisul wasaaraha dowladda Yemen ayaa isagu waxuu hore uga tirsanaan jiray mucaaradka dalkaasi ka hor intii aan loo magacaabin Raisul wasaaraha dalka Yemen bishii November ee sanadkii 2011 kii .




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com