Hargeysa(GNA)-Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa sii deysay Suldaan Mukhtaar Jibriil Muuse oo todobaad ah u xidhnaa Xukuumada Somaliland oo xaasaasiyad ka muujisay Mansabka Suldaanimo oo sida la sheegay bishan loogu caleemo saarayo Magaalada kala-baydha ee Gobolka Gabiley.
Mukhtaar Jibriil Muuse oo doonane u ahaa Suldaanka Guud ee Beelaha Bah-habar Magaaddo, ayaa Bilaysku xidheen shan maalmood ka hor, waxaanu ku xidhnaa Saldhiga dhexe ee Caasimada Hargeysa, iyadoo sii deynta Maxkamaddu timi markii labaad ee la hor-geeyo Maxkamadda.
Arbacaddii la soo dhaafay ayay ahayd markii Maxkamddu wax Eed ah u wayday, kana codsatay Hay’adahaa Baadhistu inay keenaan Maxkamadda, iyadoo Maanta markii lagu soo celiyay wax dacwad ah oo ka dhan Maxkamadu wayday, ka dibna ay go’aansatay inay xoriyadiisa u soo celiyo.
Mukhtaar Jibriil Muuse ayaa la sheegay intii Maxkamaddu Kiiskiisa dhegeysanaysay laga dalbaday inuu ka noqdo Suldaanimada, balse uu ku adkaystay inaanu la laabayn Mansabakaasoo, ah ka xadhiga iyo eedda u soo jiiday.
Warku wuxuu intaasi in Inkasta oo Maxkamaddu sii deysay, hadana laanta dambi baadhistu su’aalo waydiin doonto maalmaha soo socda, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan C.I.D-du.
Xadhiga Suldaan Jibriil ayaa loo sibir-saarayaa inay ka dambeeyeen Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ka soo jeeda Gobolka Gabiley, kuwaasoo soo dacweeyay ka dib markii uu ka dhego adaygay inuu ka tanaasulo Mansabka dhaqan ee uu doonayay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com