Wednesday, September 18, 2013

Filibiin:Dagaalyahanada MNLF oo afduubay Taliyihii Booliiska ee Zamboanga


(GNA) Dagaalyahanada muslimiinta ah ee jabhada MNLF ee maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Zamboanga ee koonfurta dalka Filibiin ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Taliyihii booliiska ee magaaladaasi.




Iska horimaadka dhexmaraya ciidamada Filibiin iyo jabhada MNLF ayaa socday 9kii maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo dagaalka inta badan ka dhacayey mid kamid ah xaafadaha magaalada Zamboanga.




Ciidamada Filibiin ayaa shalay markii ugu horeysay adeegsaday diyaaradaha dagaalka, iyadoo iska horimaadyadii ugu danbeeyey la sheegay in jabhada MNLF ay gacanta ku dhigtay Taliyihii Booliiska iyo 4 sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada Filibiin.




Jabhada MNLF ayaa u dagaalanta madaxbanaanida dhulka Muslimiinta ku badan yihiin ee koonfurta dalkaasi Filibiin.




 




Diyaarye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com




askars4@hotmail.com