(GNA) Guddomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa loo magacaabay Yusur Aadan Faarax Abraar, Iyada oo haweeneydani ay noqonayso Haweeneydii ugu horreysay Taariikhda Soomaliya ee Guddoomiye u noqota Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Iyada oo dhanka kalena noqonaysa gabadhii labaad ee jago sare ka qabata Dowladda Soomaaliya, Halka gabadha koowaad ay tahay Fowsiya Xaaji Yuusuf oo ah Ra’isulwasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya.
Yusur ayaa sida la sheegay kasoo qalinjebisay Jaamacad Mareykanka ku taalla oo lagu magacaabo Oklahoma State University oo dhinaca dhaqaalaha ay kasoo qaadatay Masterka Shahaaddada loo yaqaanno, Waxayna kasoo shaqeysay baanka caalamiga ah ee City Bank ee Dubai, kadibna waxay ka hawl-gashay xarunta City Bank ee New york. Waxay kaloo noqotay madaxweyne ku xigeenka shirkadaha Citigroup iyo AIG ee New York.
Yusur ayaa sheegtay in ay xoogga saari doonto wax ka qabashada dhinaca lacagta Somalia ee qiima dhacday, dib u dhiska hannaanka maaliyadda Somalia iyo sidii loo diiwaan gelin lahaa oo ay shati ugu shaqeyn lahaayeen Bankiyada Somalia.
Haweeneydan oo beddeli doonta Cabdisalaam Xaaji Cumar, oo aan la sheegin waqtigii xilka laga qaaday iyo inuu is-casilay midna, ayaa madaxweynaha ku wehlin doonta safarka New Deal ee Brusels iyo waliba booqasho uu Madaxweynuhu ku tegi doono Mareykanka
Diyaariye:Askar
Gobanimonews- Stuff