(GNA) Khubaradii soo baadhay xasuuqii 21kii Augaus ka dhacay duleedka magaalada Dimishiq ee caasimada dalka Siiriya, ayaa xaqiijiyey in dadka halkaasi ku dhintay loo adeegsaday hubka kimikalka.
Qoraalka kasoo baxay guddigan ka socday Qaramada Midoobay ayaa maalin kahor loo gudbiyey Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay Ban Ki Moon oo shalay isaguna u gubiyey golaha amaanka ee Qaramada midoobay.
Khubarada Qaramada Midoobay ayaan awood loo siin inay baadhaan cida weerarkaasi geystay, balse kaliya hawshoodu ahayd inay cadeeyaan in hubka kimikalka la isticmaalay.
Balse Qaar kamid ah wadamada xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay cadahay in dowlada Bashaar Al Assad weerarkan ka danbeyeen marka la eego hubka gantaalada ah ee loo adeegsaday suntaasi dadka lagu xasuuqay.
Walow dalka Ruushka oo xubin joogto ah ka ah golaha amaanka uu ku adkeesanayo inaan lagu deg degi Kareeyn eedeynta cida weerarkaasi ka danbeysay.
Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka ayaa maanta ku dhawaaqday in xasuuqa ka dhacay Dimishiq loo gudbiyo maxkamada calaamiga ah ee danbiyada dagaal.
Diyaariye:ASKAR
Gobanimonews.com