Didier Drogba ay ayaa rajo ka qaba in Galatasaray ay murug u soo horyso
Real Madrid habeenka talaadada marka labada kooxood ay Champions League
ku ciyaaraan Istanbul.
Labada kooxood ayaa isku arkay xilli ciyaareedkii hore wareega 8da,
iyadoo Real Madrid ay wadar ahaan labada lug ku badisay 5-2, waxaana uu
Drogba niyadsami ku qabaa xilligan inay natiijo keeni karaan.
“Madrid waa koox weyn oo ciyaaryahano waa weyn ay joogaan. Ciyaarta
kubada cagta waa 11 garoonka dhexdiisa ku wajaheysa 11 kale, sidaasi
darteed ma inoo diidaya inaan natiijo lama filaan ah helno” ayuu Drogba
yiri sida ay qortay AS.
“Waxaan taageerayaasheena uga dhigi karnaa qaabka aan u ciyaareyno inay
si waali ah u dabaaldegaan. Waxaan xusuustaa sannadkii hore markii
ciyaartoyda Madrid ay amakaak afka la taageen. Waxa ay dhamaantood ii
sheegeen in taageerayaasheena ay waalan yihiin, waxaana qabaa in
taageerayaasha Galatasaray inay yihiin kuwa ugu fiican.
“Waxaan rajeynayaa inay na saacidi doonaan marka aan wajaheyno Madrid,
waxaana dooneynaa inaan ugu abaalgudno natiijo fiican.”
Galatasaray ayaa sidoo kale waxaa Group B kula wehliya Copenhagen iyo
Juventus.