Hargeysa(GNA)- War-laliska weyn ee Idaacadda Radio Hargeysa oo ahayd Idaacad cusub, waxa uu Madaxweyaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) xadhigga si rasmiya uga jaray, 18.10/2012 oo ahayd sannadkii aynu ka soo gudubnay.
Idaacaddan ayaa wakhtigaas ahayd mid si wanaagsan looga wada dhagaysto gobollada dalka iyo dunida daafaheedaba.
Maqalka Idaacadda Radio Hargeysa ayay ku diirsadeen bulshada Somaliland ee ku dhaqan gobollada dalka, kuwaasoo muddo 21 sannadood ah u jeellanaa Idaacad weyn oo Qaranku leeyahay oo wada gaadha gobollada dalka oo dhan oo ay kaga maarmaan Idaacadihii shisheeye ee dhegahoodu u rahmanaayeen.
In kasta oo waagaas ay ku guulaysatay Xukuumadda Madaxweyne Axmed- Siilaanyo keenista Idaacaddaas, illaa haddana lagu bogaadiyo haddana waxay cilladi ku timi war-laliska Idaacadda muddo saddex jeer ah, halkay ciladdahaas mid ka mid ah hadda u fadhido. Wargayska Somalilandtoday oo idiin ballan-qaaday inuu Akhristayaashiisa u soo bandhigi doono Qandaraasyo badan oo aan sidii sharcigu dhigaayay loo marin, ayaannu u kuurgallay Xogaha ku gedaaman Qaadashada keenista Idaacadda Radio Hargaysa iyo nidaamka loo maray.
Bixinta Qandaraaska Keenista Idaacad dalka oo dhan wada gaadha, waxay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Silaanyo u xil-saartay xilligaas Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng: Maxamed Caashi Cilmi, oo isagu ahaa shakhsigii la dabbaashay Qasnaddii madhnayd ee dawladdu dhaxashay. Eng: Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu keenista Idaacad weyn oo dalka wada-gaadha ku siiyay qandaraas, Wiil Ganacsada ah oo lagu Magacaabo Cabdiwahaab Xaji Cali, Ganacsadahaas oo ay Wasiirka hayb hoose wadagaan.
Ganansadahan uu Wasiirku siiyay keenista Idaacadda ayaa muddo haystay oggolaanshahaas; hase-yeeshe ay u suurtogeli weyday keenisteedu, waxaanu markaas ka dib ay heshiis wada-galeen dhalinyaro kale oo Ganacsato ah, kuwaasoo ku midoobay Magaca Brothers Trading Company, sidaana waxay ku noqdeen oo la baxeen, Shirkadda wadaniga ah ee Brothers Trading Company, iyagoo qaatay qandaraaskii iibka war-laliska cusub ee Idaacadda Radio Hargaysa.
Heshiiska ay wakhtigaas kala saxeexdeen Xukuumadda iyo Shirkadan Brothers Trading Company, ayaa dhigaayay sidaannu ku ogaannay u kuurgal aannu samaynay, in Shirkaddu keento War-lalis dalka oo dhan wada-gaadha, kaasoo cabbirkiisu yahay 100kwt. Sidoo kale Taawarka Ateenka Idaacadda iyo xidh-xidhitaankeeduba inuu qayb ka yahay qandaraaska ay wada-galeen.
Geesta kale, waxaa heshiiskaas dhex-maray Xukuumadda iyo shirkaddan ku xusnaa In keenista War-laliska ka dib muddo laba sano ah ay masuul ka noqoto wixii Xumaadda iyo cilad-saaristaba Shirkadda qaadatay qandaraasku oo ahayd Brothers Trading Company. Qiimaha uu heshiis kaasi ku kacaay ayaa ahaa lacag dhan 1.3 Milyan Doollar (Hal milyan iyo Saddex boqol oo kun oo Doollar).
Shirkadda Brothers Trading Company waxay heshiiskaas ka dib, xidhiidh la sameeyeen dalka Shiinaha, iyagoo heshiis la galay Shirkad laga leeyahay dalkaas oo lagu magacaabo BBEF, taasoo iyadu ahayd Shirkaddii laga soo iibsaday war-laliska weyn ee Radio Hargaysa.
Markii Idaacaddu dalka timi, isla markaana qorshuhu ahaa in la rakibo, ayay doodi dhex-martay Xukuumadda iyo shirkadda qandaraaska qaadatay, iyagoo ku dooday in aanu heshiiska qayb ka ahayn keenista taawarka War-lalisku, kaasoo qiimihiisu dhammaa 300,000$, waxaana muran dheer ka dib gor-gortankii qayb ka noqotay shirkaddii Shiinaha ahayd ee BBEF, arrintaasi waxay keentay inuu mar kale qaab ka baxsan sharciga iyo heshiiskii lala galay Brothers Trading Company uu Wasiirkii Maaliyadda ee Wakhtigaasi Eng: Maxamed Xaashi Cilmi u oggolaado siinta lacagta taawarka shirkaddii qandaraaska qaadatay, iyadoo mar kale loo shubay 300, 000, oo Doollar ah, taasoo ka dheeraad ah 1.3 Milyankii hore.
Si kastaba ha ahaate, iyadoo Shirkadda Brothers Trading Company waxaas oo lacag ah ku qaadatay heshiiskan keenista Idaacad tayo leh, ayay fadeexadda ugu weyn ee shirkaddaas haysataa waxay tahay, iyadoo aan wax qalab dayactir ah soo raacin Idaacadda (Spare Part). Taaso Keenaysa haddii hal fiyuus ka gubto War-laliyaha in aanay Wasaaradda Warfaafintu haynin waxay ku beddalaan, waxayna arrintani sabab u noqotay inay muddo sannad ka yar oo Idaacaddu taallay saddex jeer cilladi ku timaaddo.
Waxay Xogaha uu helay Wargeyska Somalilandtoday, iftiiminayaan oo ay intaa ku darayaan inay Shirkaddaasi si rasmiya u jebisay qodobkii ahaa inay laba sano masuul ka noqoto wixii cillad ku timaadda War-laliska Idaacadda, (Guarantee).
Labadii jeer ee hore ee ay Cilladdu ku timi War-laliyaha waxaa sameeyay oo kharashka bixiyay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland. Sida ay muujiyeen xogaha Wargeysku ka helay arrintan.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa u yeedhay Madaxda Shirkadda qadatay qandaraaska ee Brothers Trading Company, gaar ahaan Cabdiwahaab Xaji Cali, isagoo ku wargaliyay in lagu leeyahay cillad saarista War-laliska maaddaama oo ay Idaacaddu wali ku jirto labadii sano ee Guarantee-ga ahaa. Hase-yeeshee illaa hadda waxba kamay qaban codsigaas Wasiirka.