Monday, September 16, 2013

Arsene Wenger: Intaad Ka Aragteen Ozil In Ka Sii Badan Ayaa Ka Soo Socota.


Arsene Wenger ayaa ka warqaba in wax ka badan intii ilaa iyo haatan laga




arkay Mesut Ozil ay ka soo socdaan.




 




Waxa ay ku qaadatay kaliya 11 daqiiqadood in 24 jirkaan uu soo jiito




dareenka taageerayaashiisa cusub isagoo caawiye ka ahaa goolkii uu




Olivier Giroud dhaliyay kulankii Sunderland.




 




“Waxa uu u muuqday mid aad ugu raxeysanaya ciyaarta” ayuu Wenger u




sheegay website-ka kooxdiisa.




 




“Waa ciyaaryahan weyn, wax intaan ka sii badan ayaana ka soo socda




isaga. Ciyaarta ka dib waxa uu ii sheegay inuu ku riyaaqay, laakiin




feker fiican waa uu ka heystaa waxa laga filanayo.




 




“Waxaan heysanaa ciyaar aasaas u ahaa dhaqdhaqaaq badan, waxaana uu




kubada dhiibaa xilli qof walba diyaar u yahay kubada. Waa sida farsamo




amaan ah, waxaana uu ciyaarta ku soo kordhiyaa qaacido cusub taasoo




xiiso aad ah leh. Baaskiisa ugu danbeeya iyo kubadaha uu dhiibayo waxa




ay qof walba siineysaa waqti uu ku dhaqaaqo.”