Buuhoodle(GNA)-Ciidamo Liyuu Booliiska Dawlad Deegaanka somalida Kililka shanaad ee Itoobiya ka tirsan ayaa la sheegay inay galabta ku dhaawaceen deegaanka Xamar lagu Xidh ee Buuhoodle nin la yidhaahdo Axmed Aw Jaamac cilmi, kaasoo ay ku soo weerareen meel loogu soo tilmaamay inuu ku suganyahay, sida ay Goob-joogeyaal xaqiijiyeen.
Goob-joogayaal ku sugan Deegaankaasi oo dhinaca Koonfur Bari kaga beegan Magaalada Buuhoodle 30KM, ayaa Gobanimonews u sheegay in Kolanyo ciidan ah oo ka tirsan kuwo Itoobiya soo galeen tuuladaasi, ka dib ninka la dhaawacay oo hubaysnaa ka cararay magaalada, ka dibna rasaas ay ka daba rideen lugta kaga dhacday.
Inkasta oo warar aan la xaqiijin sheegayaan in ninkani uu ka mid ahaa koox loo tirinayo in ay ku dileen deegaanka Goob oo ku taala dhinaca Itoobiya laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Federalka Itoobiya, dilkaas oo ka dhashay muran ka dhashay Doorasho sanadkii hore ka dhacday deeaankaasi, hadana dadka deegaanku ma aysan cadeyn sababta loo doonayay Ninkaasi.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Ciidanka ninka soo weeraray markiiba dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen, iyagoo aan gacanta ku dhigin.
“wax sidaas u weyn muu ahayn ee Ciidan meesha yimi ayaa nin ay doonayeen oo magaalada joogay rasaas ku furay, dabadeed lugta ayay xabadi kaga dhacday oo wax yari ka soo gaadheen, markiibana way iska noqdeen”sidaasi waxa yidhi goob-jooge magaciisa qariyay oo khadka Telefoonka ugu waramay Gobanimonews.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com