Muqdisho(GNA)-Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliya, ayaa xaqiijiyay in 13-kii Bishan September Madaxweynaha somaliya ku war-geliyay inuu xilkii ka qaaday, isla markaana u soo diray Warqada uu xilka kaga qaaday.
Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa Kooxda daba-galka iyo Kormeerka Qaramada Midoobay ee somaliya ku eedeeyeen inuu qayb ka yahay Mususqmaasuq lagu sameeyay Ilaha dhaqaalaha ee dawlada Somaliya, hase ahaatee arintaasi mar kale ayuu ku gacan-saydhay.
Guddoomiye hadliye ayaa sheegay inaanu ilaa garaneyn sababta xilka looga qaaday, balse Kiiskiisa la xidhiidhiyay warbixinta Qaramada midoobay oo uu ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog.
“Malahayga wuxuu yahay kan, hadii aad sharciga dabaqdo oo aad samaysid koox ka kooban qurbo-jooga iyo dadka gudaha, dabadeed isku daydo inaan bedesho caqabadii jirtay ee hay’ada Muhiimka ah ee Bangiga dhexe, waxaan qiyaasayaa inaanad meel ku lahayn somaliya”ayuu yidhi.
waxaanu intaasi ku daray “waxaan ku noqonayaa somaliya todobaadka dambe si aan xilka u soo wareejiyo”ayuu ku sheegay waraysi uu siiyay Wakaaladda wararka ee Retuers.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu marxalado badan kala soo dabaashay intii uu xilka hayay Bangiga dhexe ee dawlada somaliya, waxaanu xusay inuu la shaqayn doono Dawlada.
Cumar Hadliye ayaa xilka hayay mudo todoba bilood, waxaana la sheegay in lagu bedelay Haweenay aan si rasmiya loo shaacin magacaabisteeda oo la yidhaahdo Yusur Abraar, taasoo ka shaqayn jirtay Hay’addo dhinaca dhaqaalaha ka shaqeeya.
Bishii Jully, ayaa Kooxda daba-galka somaliya iyo Eriteria, war bixin ay soo saareen, kuwa sheegeen in cumar hadliye xudun u noqday mugdi iyo wax isdaba marin lagu sameeyay ilaha dhaqaalaha ee waddanka colaaduhu la dageen ee somaliya, waxaaanay intaasi ku dareen in bangiga dawladu bixiyay lacago aan qeexnayn sida lagula baxay iyo hanaanka loo maray toona.
Dawlada Somaliya ayaa Eedeyntaasi baadhisteeda u soo kiraysatay khubaro ku takhasusay Xisaabaadka iyo baadhitanada noocan, waxaanay horaantii bishan sheegeen in khaladaad badani ku jiray Warbixinta Qaramada Midoobay, tahayna waxaan lagu kalsoonaan Karin.
Hay’adaha Beeniyay warbixinta Qaramada ayaa kala ah Koox Garyaqaano ah oo Maraykanka degen iyo Shirkadda daba-galka dhaqaalaha oo la yidhaahdo FIT.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobnimonews.com