Kabtanka Inter Javier Zanetti ayaa aamisan in Mario Balotelli uu
leeyahay awooda uu ku noqon karo mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican
adduunka hadii dabeecad wanaagsan uu la yimaado.
Halyeeygan reer Argentina ayaa ka garab ciyaaray Balotelli markii uu
joogay Inter intii u dhaxeysay 2007 iyo 2010, waxaana uu qirtay in
habdhaqanka ciyaaryahanka inay wax walba adkeysay markii uu Nerazzurri
joogay.
“Xaalada waa ay adkeyd markii uu Mario joogay” ayuu Zanetti u sheegay
Rai Due.
“Haddii uu ogoaado tayada uu leeyahay, waxa uu noqon karaa mid ka mid ah
xiddigaha ugu fiican adduunka.
“Waxaan rajeynayaa inuu taas garto anigoo isaga u naxaya”