Tuesday, September 17, 2013

SL:Aqlabiyada Wakiiladda oo ka soo horjeestay in la ansixiyo Cashuurta madaxtooyadu ku soo rogtay Xoolaha nool ee dibada la dhoofiyo iyo Gaadiidka


Hargeysa(GNA)-Golaha wakiiladda Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay maalintii labaad fadhiga golahaasi Xeerka Takaaliifta horumarinta Wadooyinka, waxaanay mudaneyaashii Maanta dooddooda ka dhiibtay fadhigu si  adag uga soo hor-jeesteen ansixinta Xeerkaasi oo ay ku tilmaameen mid lagu curyaaminayo dhaqaalaha umadda.




Xildhibaan Cabdiraxmaan Aw-xoog, Xildhibaan Baar siciid, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille iyo Xildhibaano kale oo fadhigan ka hadlay ayaa sheegay inay xaaraantahay qaadista cashuur ka baxsan ta wasaaradda maaliyadu qaado, iyagoo dhinaca kale ku dooday in lacagta oo lagu soo rogay  Xoolaha Nool ee dibada loo dhoofiyo ku tilmaamay mid culays ku soo kordhinaysa Cashuurihii hore looga qaadi jiray, taasina ay khatar ku tahay mustaqbalka dekeddaha waddanka.




Doodda laga yeeshay Xeerkan oo Golaha ka socotay ilaa wakhti dambe oo Salaadii Duhur gaadhay, ayaa aqlabiyadda Goluhu u muuqdaa inay ka soo horjeedaan Xeerkaasi, iyadoo xildhibaanada qaarkood soo jeediyeen in hadii Cashuur dheeraad ah xukuumaddu soo rogayso la saaro Isgaadhsiinta dhaqaalaha waddanku u xeroodo.




Sidoo kale Xildhibaanada Qaar ayaa ku taliyay in Cashuuraha xeerkan lagu jideynayo lala mideeyo Cashuuraha Wasaaradda Maaliyaddu qaado ee sharciga ah, waxaanay intaasi ku dareen in hadii xeerkan la ansixiyo uu dhaawac dhaqaale ku keenayo waddanka.




“Bulshada waxaan leeyahay hala xisaabtameen Xildhibaanadii ay soo doorteen hadii ay Xeerkan ansixiyaan,oo deegaan waliba dib ha ula xisaabtamo mudanaha Golaha u jooga”sidaasi waxa dood kulul oo uu fadhiga ka jeediyay ku yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog.




Xeerkan oo loogu magac daray Xeerka Takaaliifta horumarinta Wadooyinka, ayaa Jideynaya in Neefka Geela ah ee dibada loo dhoofinayo laga qaado 19000shls, oo aan ku jirin cashuurtii hore looga qaadi jiray, Neefta lo’da ahna 19000 shls, halka neefka Adhiga ahna lagu soo rogay 4500shls, iyadoo dhinaca Gaadiidkan laga qaadayo Baabuurta yar yar lacag qadarkeedu dahnyahay 95000 shls, Gaadiidka waaweyna 390,000shls.




Waxaana lacagtaasi  si toos ah u maamulaysa Hay’adda wadooyinka oo maamul ahaan toos u hoos timaada Wasaaradda madaxtooyada.




Dadka ku xeel-dheer arrimaha dhaqaalaha, ayaa si weyn ugu dheg taagaya go’aanka ay Mudaneyaasha aqalka wakiilladu ka qaataan Xeerkan, waxaanay  Bulshada inteeda badani ka sii dar-daar-warinayaan saameynta dhaqaale ee uu ku keenayo dalka, taasoo dadka xeerkan dhaliilayaa ku tilmaayaan inuu albaabada u xidhayo Dekedda Berbera oo Xoolaha ugu badan laga dhoofiyo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com