Tuesday, July 16, 2013

Xukuumadda Somaliland Oo Xayiraadii ka qaaday Duulimaadyadii Diyaaradaha Qarrammada Midoobay


Hargeysa (GNA)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in xayiraadii ka qaaday duulimaadyadii diyaaradaha qarramadda midoobay ee ay 15-kii bishii May xayiraada ku soo rogtay.




Sidaasna waxa maanta shaaca ka qaaday Wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay madaarka Hargeysa oo dib u dhis ka socdo.




Wasiirku waxa uu sheegay in tallaabadani ay ka dambaysay ka dib heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya ka gaadheen maamulka hawadda waxaanu yidhi “Heshiiska ka soo baxay wada hadaladii Turkiga waa mid abuuri karta jawi lagu maamuli karo hawada Somaliland iyo Soomaaliya”ayuu yidhi wasiirka Duulista oo faahfaahin ka bixinayey sababta xayiraadda u qaadeen, waxaanu intaas ku daray “Aniga oo ku hadlaya magaca xukuumada waxaan idiin sheegayaa in Somaliland ay dib u qiimaysay duulimaadyadii ay xanibtay ee qaramada miboobay, anaga oo ka duulayna heshiiskan hor dhaca ah, baahida loo qabo danaha adeegyada bulshada maanta laga bilaabo waxaanu ku dhawaaqaynaa inaanu dib u furay duulimaadyadii qaramada miboobay.”




Wasiirku waxa uu sheegay in markii ugu horeysay ay maamulada hawadda Soomaaliya iyo Somaliland gacanta usoo gali doonto gacmo Soomaaliyeed, kuwaas oo maamuli doona, waxaanu tilmaamay inay heshiishkii Turkiga laga gaadhay maamuladda hawadda ay soo dhoweynayaan, isla markaana ay si wada jir ah shir u wada gali doonaan saddexda dhinac ee hawshani khusayso Somaliland, Soomaaliya io Qaramadda midoobay.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay shaqaalihii reer Somaliland ee ka hawlgali jiray xafiiska Nairobi ay madaaradda Somaliland shaqadda ka bilaabi doonaan, waxaanu xusay inay guul u tahay labadda dhinacba heshiishka laga gaadhay maamulidda hawadda sare ee Soomaaliya.




Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay dib u dhac ku yimid furista madaarka Hargeysa oo ahayd in bishii hore ee jun 20 keedii in la furo, haseyeeshee arrimo farsamo darteed dib udhac ku yimid.




“Mashruucii dib u dhiska madaarka Hargeysa oo ahayd inaanu furno 20 bishii june dib ayuu nooga dhacay waxaana sababay duruuf farsamo,waxa ku yimid dhibaatooyin doora kuwaas oo ay ka mid ahaayeen roobabkii guga oo ku keenay dib u dhac”ayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka cirku.